Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Markab laga leeyahay Israa’iil oo lagu weeraray xeebaha Imaaraadka

caqiil by caqiil
April 14, 2021
in Wararka
0
Markab laga leeyahay Israa’iil oo lagu weeraray xeebaha Imaaraadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida laga soo xigtay warbaahinta Lubnaan iyo Israa’iil, Markab laga leeyahay Isra’iil ayaa lagu weeraray gacanka Beershiya gaar ahaan xeebta Imaaraadka Carabta.

warbaahinta Lubnaan oo xiganeysa ilo aan la magacaabin ayaa sheegtay in markabka oo lagu magacaabo “Hypern” oo ka diwaan gashan Shirkadda “PCC” ee laga leeyahay Isra’iil, lagu bartilmaameedsaday meel u dhow dakadda Fujairah  ee dalka Imaaraadka Carabta.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Kan channel oo ah warbaahin ku hadasho afka Israa’iiliyiinta ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Iiraan, kuwaa oo Markabkan la beegsaday gantaal laga soo ganay markab dagaal ama diyaarad Drone ah, iyaga oo intaa ku daray in weerarka uu dhacay shalay.

Milkiilaha markabka la weeraray oo lagu magacaabo Rami Ogner, ayaa wargeyska Yedioth Ahronoth usheegay in markabka markii la weerarayay uusan joogin gudaha dekedda Fujairah ee Imaaraadka, laakiin uu ku sugnaa agagaarka dekedda.

Weerarka Markabkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo laga leeyahay Israa’iill oo lala beegsado weerar muddo ku siman bil iyo bar.

Previous Post

Maraykanka oo ciidammadiisa kala baxaya Afganistaan

Next Post

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Bisha Ramadaan

Next Post
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Bisha Ramadaan

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Bisha Ramadaan

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In