Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 weeks ago
in Wararka
0
Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

 

Related posts

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.

 

Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

 

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaageeda dhan kasta ah.

 

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay maalin weyn, waxaan gaarnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka dalkeena”.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysaneyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan maanta u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

 

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay hanti Qaran, islamarkaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha maanta iyo kuwa dambe, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muujiyaan garab istaag, midnimo iyo horumarka socda ah ee ah Shidaal qodista.

 

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey Axadii, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu bisha Abriil ka bilaabi doono qodista ‘Ceelka Curad-1’ ee Soomaaliya.

 

“Wa markii ugu horreysay, Markabkayaga qodista badda gunteeda hoose, ee u socda howl ka baxsan (Aagga baddeena),” Bayraktar ayaa ka sheegay xaflad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka koonfureed ee Mersin, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee uu ka howl galo meel ka baxsan dalka Turkiye.

 

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.

 

Arrintaani waa guul wayn iyo himilo muddo dheer la sugayay in uu ka soo ambabaxay dalka Turkey Markabkii qodi lahaa Shidaalka ku jira badda dalkeena Soomaaliya. Rajadaani waxay ku soo beegmeeysaa xili dalkeenu uu wajahayo abaaro ba’an iyo gaajo ka dhalatay abaartaas, waxaanse rajeeynayaa in riyadii Ummadda Soomaaliyeed ay muddada dheer ku taamayeen, oo aheyd, in ay mar uun arkaan khayraadka dalkooda, oo ay ka baahnaayeen muddadaas fog in ay la soo baxaan, kuna barwaaqoobaan Eebe Idamkiis, waxaana looga baaha yahay Ummadda Soomaaliyeed in ay ku fara adeegaan rajadaas soo bidhaantay ee mudadda fog la sugayay, si dalkeenu u helo dhaqaalo lagu hormariyo, islamarkaasna looga maarmo gacan hoorsiya Shisheeyaha.

 

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:- ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY

RAFAADKA AAN KA REYSANNEE.

By. C/laahi Ruush

Previous Post

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In