Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo kulan la qaadatay haween Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 25, 2016
in Wararka
0
Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo kulan la qaadatay haween Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee madaxweynaha Qamar Cali Cumar ayaa maanta kulan martiqaad ah u sameeysay haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka.

Haweenka ay marwada Koowaad ee madaxweynuhu kulanka la qaadatay ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka Munaasabaddi xuska sanadguuradii 43-aad ee ka soo wareegatay qorista farta Soomaaiga, taasoo 21-kii bishan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta ururrada haweenka dalka oo isu jiray heer Qaran iyo heer maamul-goboleed, iyadoo kulanka looga hadlay ahmiyadda uu ummadda Soomaalyeed u leeyahay horumarinta afkooda hooyo.

Haweenki ka hadlay kulankaasi ayaa muujiyay baahida loo qabo in haweenku ay hormuud u noqdaan horumarinta afka Soomaaliga, maadaama hooyadu tahay macallinka koobaad ee caruurta bara afka hooyo,

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sh. Axmed Gaballe oo halkaasi ka hadashay ayaa uga mahadcelisay marwada koobaad ee madaxweynaha martiqaadka iyo kulanka ay u sameeysay haweenka Soomaaliyeed iyadoo ka sheekeeysay kaalinta ay haweenku ka soo qaateen gobanimo doonki iyo xiliyadii burburka.

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Qamar Cali Cumar oo gebagebadii munaasabaddaka hadashay ayaa haweenka Soomaaliyeed ku boorrisay iney gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimada iyo walaaleynta ummadda Soomaaliyeed, kana qeyb qaataay hirgelinta hanaanka dowliga ah.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo xaflado soo dhaweeyn ah loogu sameeyay dalka Britain

Next Post

Madaxweynaha oo magacaabey Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir

Next Post
Madaxweynaha oo magacaabey Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir

Madaxweynaha oo magacaabey Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In