Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad ee Dalka oo kulan qado sharaf la qaadatay qaar ka mid ah haweenka u ololeeya adkaynta dowladnimda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Marwada Koowaad ee Dalka oo kulan qado sharaf la qaadatay qaar ka mid ah haweenka u ololeeya adkaynta dowladnimda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa kulan fikir isweydaarsi iyo qado sharaf ah la qaadatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee u ololeeya adkaynta dowladnimda iyo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed; haweenkan oo ka mid ah haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda Soomaaliya.

Dood-wadaag iyo lafo-gur la iskaga waraysanayay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ka qaybgalka siyaasadda ee xaqa metelaadda haweenka, isla markaasna marwadu ku dhagaysatay arragtiyaha ay qabaan haweenkan oo ka mid ah hormuudka haweenka Soomaaliyeed, waxay Marwo Saynab Cabdi Macallin la wadaagtay dardaaran adag oo ku wajahan sidii loo sii dhiirigelin lahaa doorka ka qaybgalka siyaasadda iyo in la barbar taagnaado hubinta kootada Haweenka ku meteli doona doorashooyinka inagu soo socda.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Marwada ayaa adkaysay in Haweenka Soomaaliyeed door weyn ka soo qaateen halgankii gobanima doonka, dib u dhiska dowladnimada, adkeynta midnimada, dib u heshiisiinta horumarinta bulshada, kobcinta dhaqaalaha, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta kaalinta haweenka dhanka siyaasadda.

Marwo Saynab Cabdi Macallin, waxay uga mahadcelisay isla markaana dhiirigelisay doorka haweenku ka qaateen waddaniyadda, kartidooda isku haynta dalka iyo dadka, ka shaqeynta midnimada iyo dib u heshiisiinta, haweenku in ay ahaayeen tiirkii ugu weynaa ee samato-bixiyay dalka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay duqeymo ay ciidamada Kenya ka geysteen G/Gedo

Next Post

Tirada dadla laga helay xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay

Next Post
Tirada dadla laga helay xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay

Tirada dadla laga helay xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In