Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada madaxweyanaha oo waalidiinta ugu baaqday iney caruurtooda u ogolaadaan ka qeybgalaka Imtixaanka mideeysan ee wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwada madaxweyanaha oo waalidiinta ugu baaqday iney caruurtooda u ogolaadaan ka qeybgalaka Imtixaanka mideeysan ee wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, ayna ka qeyb galeen Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo  Sahro cumar Xasan, Xildhibaanno, xubno ka kala socday Wasaaradaha Haweenka iyo waxbarashada, ururka haweenka gobolka, gabdho qurbo joog ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii waalidiinta Soomaaliyeed loogu wacyigelin lahaa in carruurtooda ay u ogoladaan ka qeyb galka Imtixaan mideysan oo dugsiyada sare ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada, kaasi oo ay kal hore ku heshiiyeen dalladaha Waxbarashada iyo Wasaaradda  Waxbarashada.

Related posts

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026

Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Benaadir oo ka hadashay kulanka ayaa xsutay in uu jiro isfaham la’aan u dhexeysa Wasaaradda iyo dalladaha, loona baahanyahay in caqabahaasi laga gudbo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiqaadir Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in imtixaanka midka ah ee laga qaadayo ardayda dugsiyada sare uu yahay heshiis ay kor hore kala saxiixdeen Wasaarada iyo daladaha, waxaana uu ka hadlay muhiimadda uu ardayda u leeyahay.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar Caasho Koos oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in Imtixaanka uu ahmiyad u leeyahay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay madaxda daladaha iyo waalidiintuba ugu baaqday inay ogolaadaan imtixaanka.

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo daah furtay kulanka wacyigelinta ah ee la doonayo in Waalidiinta Soomaaliyeed ay  carruurtooda u ogolaadaan ka qeyb galka Imtixaanka Mideysan ee ay Wasaaraddu ka qaadeyso ardayda Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa ka codsatay Waalidiinta Soomaaliyeed inay carruurtooda u ogolaadaan Imtixaanka mideysan

In imtixaan mideysan laga qaado ardayda dugsiyada sare ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid soo bilowday sanadkii 2013,-ka waxaana 30kii April ee sanadkii 2014-ka ay wasaaradda iyo daladaha ku heshiiyeen in imitixaanka dib loo dhigo sandkaas, oo si rasmi ah uu u bilowdo sanadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, iyadoo 7-dii April ee sanadkan ay Wasaaradda iyo daladaha markale ku heshiiyeen in la sameeyo guddi labada dhinac ah arrimaha imtixaanaadka dar dargeliya, waxaana iminka muuqaneysa in daladuhu ay ka biyo diidsanyihiin in imtixaan mid ah laga qaado ardayda dugsiyada sare.

DDD.Still001 DDD.Still002 DDD.Still003 DDD.Still004 DDD.Still005 DDD.Still006 DDD.Still007 DDD.Still008 DDD.Still009 DDD.Still010 DDD.Still011 DDD.Still012 DDD.Still013 DDD.Still014

 

Previous Post

Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye oo maanta lagu caleema saaray duleedka Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga

January 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In