Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada madaxweyneha Sahro Cumar Xasan ayaa furtay xarun lagu dhaqan celiyo isla markaana lagu xannaaneeyo carruurta ku nool waddooyinka magaalada Muqdisho ee loo yaqaano Derbe-Jiifka.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa carruur Soomaaliyeed oo agoon ah ama aan waalidkood la nooleyn oo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana habeenkii ku hoyana hareeraha waddooyinka.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Ciidanka Booliska ayaa howl-gal ay ka sameeyeen magaalada ku aruuriyay qaar ka mid ah carruurtaas oo la geeyay xarunta ay marwada madaxweynuhu u dhistay oo ku taalla degmada Cabdul-Casiis. Carrutu halkaan waxay ka heli doonaan raashin, hooy iyo daawo.

Qaar ka mid ah carruurtan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay guryo heleen, isla markaana la daryeelayo oo ay helayaan raashin iyo dhar ay xirtaan.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Khadar Maxamed Xasan ayaa uga mahadcelisay marwada madaxweynaha mashruucan, ayadoo tilmaantay in wax la bari doono carruurtan oo intooda badan ku jira da’dii ay wax baran lahaayeen.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa shegtay in bulshada Soomaaliyeed uu waajib ka saran yahay inay badbaadiyaan nolosha carruurtan aan waaliska lahayn ee ku dayacan waddooyinka magaalada.

Waxay sheegtay in xaruntan lagu xannaaneyn doono dhammaan carruurta waddooyinka ku nool, si ay u helaan adeegyada ay helaan carruurta la midka ah sida waxbarasho, caafimaad, hooy iyo raashin. Dhaqaatiir ayaa ka howl galaysa aruntaan si loo ogaado xaaladda xaafimaad ee carruurtan.

Mashruucan waxaa soo dhaweeyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Previous Post

Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Next Post

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Next Post
Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan oo Nairobi laga taageeray “Sawirro”

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In