Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marxaladahii uu soo maray Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Marxaladahii uu soo maray Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo bilowday sanadkii 2013, wuxuu ahaa mid aanu sahlanayn in uu miro dhalo, balse dadaallo badan oo ay bixiyeen madaxda Dowladda ka dib ayaa lagu guulaysatay in dalkeenna uu ka soo gudubo dhamaan habraacyadii hubinta barnaamijka deyn cafinta heerarkiisi kala duwanaa, waxaana hadda socda u diyaargarowga ku dhawaaqista deyn cafinta Soomaaliya.

Intii uu socday hayaanka deyn cafinta, Soomaaliya waxay muujisay sarre u kac dhanka dakhliga gudaha ah iyo kobc lama filaan ah oo guud ahaan saameeyay dhaqaalaha dalka, taasi oo keentay in Hey’adda lacagta adduunka ay Soomaaliya ku amaanto dadaaladii ay u gashay deyn cafinta iyo sidii ay mid-mid ugu dulmartay Jaran jarooyinkii dhowrka ahaa ee lagu xeray cafinta deymaha bilyiinta Doollar ah ee dalkeenna ay ku leyahiin Dowlado iyo Hayโ€™ado kala duwan.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026

Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaaย  dhawaan shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay dhammaan habraacyadii Barnaamijyadii deyn cafinta ayna kasoo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib u eegista deyn cafinta faracyadisii kala duwnaa.

Hannaanka deyn cafiska Soomaaliya, ayaa soo maray heerar kala duwan, sida hirgelinta afar barnaamij oo lagu xariira deyn cafinta, kuwaasi oo loo yaqaanno โ€œSMPs,โ€ oo lagu daray barnaamijka UCT iyo kulanka gebagebada oo saacado ay naga xigaan, kaas oo ay isugu imaan doonaan madaxda Hayโ€™adaha IMF, dalalka iyo Hayโ€™adaha deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane ย Biixi Iimaan Cige, ayaa horay u sheegay in Wasaaraddu ay dadaallo dheeri ah ku bixiyeen xoojinta canshuura dalka, taasoo ka mida aheed sababaha keenay inuu dakhliga gudaha kor u kaco, si lamid ah tillaabooyinkii hore ee deyn cafinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guud loogu bogaadiyay sida ay u maamushay dib u habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF, ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay soo gaartay bar-dhamaadka deyn-cafinta โ€œCompletion Point โ€, 13-ka bishan December, ayuuna qorshaha yahayย  in dalkeenna laga cafiyo deymahii lagu lahaa muddada dheer.

Dhameysrirka barnaamijka deyn cafinta ayaa hiigsiga labaad u ahaa Xukuumada Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, marka laga soo tago hiigsiga kowaad oo ahaa xoreynda dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

W/Q, Cismaan Maxamuud Faarax.

.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo shaaciyay in xafiiskiisa uu hormuud u noqonayo hannaanka Dowladnimada casriga ah

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo "SAWIRRO"

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In