Mashaariic hormarmarineed oo Dawlada UK ay ka fulisay degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa maanta xarigga laga jeray
Degmada Waajid waxaey ka mid atahay gobolka Bakool waana degmada keliya oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Shabaab, taas oo saameeynweyn kuyeelatay Bulshada ku nool Waajid Kadib markii ay waayeen edegyada lagama maatmaanka u ah noolsha aadanaha sida Waxabarashada iyo Caafimaadka.
Degmada Waajid oo ilaa iyo 90 K.M. dhinaca bari uga beegan Xaruunta Gobolka Bakool ee Xudur waxaa si aad ah u saameeyey go’odoonka wadooyinka soo gala . taas oo sababtay in Degmada ay ka barakacaan 100 . 65 dadkii daganaa
Dawlada UK oo u soo wakiilatay Qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay ka hirgalisay Dhismooyin iskugu jira Suuq weeyn oo lagu iibiyo Hiliba Xoolaha iyo Qudaarta . Xaruunta adeegga Garsoorka Ceel Biyoodyo ladayactiray . iyo beero aad u qurxbadan oo Bulshada lagu dereensiinaayo Kheyraadka Dhulkooda Hooyo
Waxaana Maanta Gaarey Degmadaasi Qaar ka mid ah Wakiillada Hay adaha Fuliyey Mashaaricahaasi . waxayna Xaruunta Degmada Kulan kula qaateen Maamulka Degmada oo uu horkacaayey Gudoomiyaha degmada.
Kulanka kadib waxaa saxaafada la hadley Caasho Sheekh C/laahi oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Waajid iyo C/laahi Aadan Sanqoor oo ah gudoomiyaha degmada Waajid waxayn u mahadceliyeen Dawlda Britain Mashaaricahan ay ka fulisay Degmada Waajid
“Aad ayey Farxad noogu tagay maanta in xarigga laga jero Qaar ka mid ah Mashaaricdii Dawlada UK ay ka fulisay Degmada Waajid Walina baahiyo Farabadan ayaa jira waxaana ka codsanaynaa hay’adaha kale in ay caawiyaan dadkan Ku dhibaateysan degmadan go’doonka ku jirta” ayuu yiri gudoomaha degmada Waajid.