Mashruucan Horumarinta dhaqaalaha oo ay iska kaashadeen Maamulka Degmada iyo Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta loo soo bandhigay bulshada ku nool Degmada Caabudwaaq.
Waxaana ka hor keenista Mashruucan lagula soo talawadaagay doorashadiisa Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Degmada Caabudwaaq iyo Deegaanada Hoos yimaadad si loogu fuliyo Howlaha Danta guud ee u baahan horumarin dhaqaale.
Waxaana maanta oo ahayd gabagabadii Ra’yi aruurinta Bulshada, lagu soo bandhiga halka ay u dorteeen in lagu maalgaliyo Dhaqalaahan ay heshay Degmada, waxaana si wada jir ah oo aan kala har lahayn ay ugu doorteen bulshada in loogu horumariyo dhaqaalahan Garoonka Diyaaradaha Degmada Caabudwaaq, Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad Cumar Cilmi.
Bulsha qaybahii wakiilka uga ahaa doorashada marshuuraca dhaqaale ee lagu horumanayo Garoonka diyaaradaha oo dhankooda ka hadlay ayaa tilmaamay inay tahay talaabo fiican oo u baahan in la dhaqan geliyo.
Intaas ka dib waxaa lagu doortay kulanka Guddi ka kooban 20. Xubnood oo ka shaqeeya suurta galinta mashruucaan.
Cabdikariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq