Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin iyo boqolaal Shacab ah oo socod ku maray Xeebta Liido iyagoo ka xun xasuuqii shacabka ee Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 5, 2024
in Wararka
0
Masuuliyiin iyo boqolaal Shacab ah oo socod ku maray Xeebta Liido iyagoo ka xun xasuuqii shacabka ee Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo werarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxbka galabsan.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Khawaarijta oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Guddoomiye Yabooh ayaa  hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada guracan ee khawaarijta

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta”  ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeyb halay dibadbaxa ayaa dhankooda muijiyay darenkooda iyagoo shèega in ay garab taaganyihiin geesiyasha qaranka si Guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarij

Cabdiraxmaan Raage badbaadiyihii baraha bulshada qabsaday ”Damiirkeygu waa isiin waayay inaan meel cidlo ah uga tago walaal Soomaaliyeed oo dhiig baxaya”.

Xaashi Macallin “Maanta waxa kaliya ee nala gudboon waa inaan qoriga qaadano oo Khawaarijta Iska dhicino.”

Khawaarijta ayaa Jimcihii si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneyay xeebta liido,halkaa oo ay ku dhinteen in kabadan 30-dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayna ku dhaawacmeen in kabadan 60-kale,waxana xusid mudan in ciidanka amniga ay halkaa ku fashiliyeen Gaari ay qarax kusoo xireen khawaarijtu oo ay doneysay in shacabka ku xasuuqaan.

Previous Post

Bannaanbax looga soo horjeedo shacabkii ay Khawaarijtu ku xasuuqday Liido oo ka socda Muqdisho

Next Post

Wasiir Xagaa “Shacabow indhihiina fura aan Khawaarijta dhameystirno waa gabal dhacaye.”

Next Post
Wasiir Xagaa “Shacabow indhihiina fura aan Khawaarijta dhameystirno waa gabal dhacaye.”

Wasiir Xagaa “Shacabow indhihiina fura aan Khawaarijta dhameystirno waa gabal dhacaye.”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In