Wasiiro, Xidlhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku-xigeenadisa, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa xalay ka qeyb galay xaflad lagu dhiiri geliyay dhallinyarada oo lagu qabtay xarunta Degmada Shangaani.
Xafladdan oo ay soo agaasintay Guddoomiyaha Degmada Shangaani waxaa kaloo ka qeyb galay qeybaha bulshada ee degmada ku nool, waxaana inta badan looga hadlay sidii loo dhiiri gelin lahaa dhallinta ku dhaqan caasimadda gaar ahaan kuwa degmada Shangaani, si ay u helaan fursado shaqo loogu abuurayo.
Guddoomiyaha Degmada Shangaani Sahro Sheekh Maxamed Amiin ayaa sheegtay in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan sidii dhallinta loo siin lahaa fursado shaqo.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maamulka Degmada Shangaani uu ku guuleystay hirgelinta barnaamijyo badan oo dhallinyarada wax loogu qabanayo.
Gudoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng yariisoow) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu xoogga saarayo sidii dhallinyarada ku nool caasimadda loogu sameyn lahaa fursado ay ku shaqeystaan.