Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo uu wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur, Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraysa.

Ugu horayntii mas’uuliyiinta ayaa kormeer kooda ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasiiyey mas’uuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda siiwata mas’uuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada, dadka deegaanka ayey uga mahadceliyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Wadada.

Ugu horayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahadceliyey ciidanka sugaya ammaanka Wadada iyo Dadka deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Wadada, islamarkaana aan Wadad marna loojoojin doonin.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo maanta ansixiyey degmonimada Guriceel

Next Post

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Next Post
Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In