Isku duwaha Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug Axmed Xasan Faarax oo ay wehliyeen howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta xariga ka jaray ceelbiyoodka dagmada Ceelguula, kaasoo qalabeyn iyo dayactir qeybo badan isugu jira ay ku sameeyeen Wasaaradaha Tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan dowlad gobaleedka Galmudug Mashruucaasi oo uu maalgaliyay midowga Yurub
Isku duwaha Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug Axmed Xasan Faarax oo ugu horeyn ka warbixiyay mashruuca laga fuliyay dagmada Ceelguula ayaa tilmaamay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga u ah Bulshada.
Qaar ka mida shacabka Dagmada ayaa uga mahad celiyay Dowladda Federaalka, tan Galmudug iyo Midowga Yurub mashruuca ay ka hirgeliyeen deegaanka, ayna ka faa’iideysan doonaan shacabka ku dhaqan Degmada iyo Nawaaxigeeda.