Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo maanta si wadajir ah uga qeyb galay Munaasabada 8da Maarso oo Galkacyo ka dhacday ‘SAWIRO’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo maanta si wadajir ah uga qeyb galay Munaasabada 8da Maarso oo Galkacyo ka dhacday ‘SAWIRO’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid ka duwan kuwii hore ee lagu maamuusi jiray
maalinta haweenka aduunka ee 8da maarso ayaa waxaa ka qeyb galay
masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulada Galmudug iyo puntland iyo
boqalaal hawewen ah oo ka kala socaday ururada haweenka Gobalka mudug
ee labada maamul.
Munaasabada oo inteeda badan looga hadlay ahmiyada nabada iyo
isdhaxgalka bulshada gobalka mudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay
gudoomiyayaasha dagmada Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland Xirsi yuusuf
Barre iyo Maxamuud Yaasiin kuwaasi oo ku dheeraaday ka hadalka
ahmiyada ay leedahay nabada iyo isdhax galka bulshada iyagoona balan
qaaday in ay hormuud u noqan doonaan sidii loo soo afjari lahaa
colaada kusoo laa laabatay magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug ,
sidoo kalana laga wada shaqeyn doono sidii dib loogu furi lahaa
wadooyinka wali xiran tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2016
markii dagaalku uu ka qarxay xaafada garsoor ee  galbeedka magaalada
galkacyo.
Sidoo kale waxaa iyaguna ka hadlay munaasabada gudoomiyayaasha ururada
haweenka gobalka mudug ee Puntland iyo Galmudug Xaawo C/laahi iyo
maymuun Cali nuur Geyfane kuwaasi oo ka dhawaajiyay in haweenka
gaobalka mudug ay diyaar u yihiin in ay u istaagaan bad baadinta
ubadkooda.
Munaasabadaan oo intii ay socatay ay qudbado kala duwan oo dhanka
nabadaa kasoo jeediyeen qaar ka mida ka qeyb galayaashii xaflada lagu
maamusayay maalinta haweenka aduunka ayaa ugu danbey waxaa munaasabada
soo xiray gudoomiye ku xigeenka Arimaha maamulka iyo maaliyada Gobalka
Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar isagoona ku booriyay
bulshadsa galkacyo in ay uwada istaagaan ka shaqeynta nabada gobalka.

Munaasabadaan oo aheyd tii ugu horeysay oo ceynkeeda oo kala ah oo
lagu qabto magaalada Gaalkacyo ayaa intii ay socatay waxaa ammaanka
goobta ay ka dhaceysay si weyn u adkeeyay Ciidamada Nabad sugida
Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ee ka howl gala Magaalada Galkacyo ee
Xarunta Gobalka Mudug.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay safiirka Jermalka ee Soomaalya iyo Kenya.

Next Post

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso “SAWIRRO”

Ra’iisal Wasaaraha oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta 8-da Maarso "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In