Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimaynta ahna Guddomiyaha Guddiga Farsamo ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka, Mudane Maxamuud Saciid Nuur ayaa galabta shir la yeeshay Agaasinka Qorsheynta ,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayey Mudane C/qaadir Muxudiin Axmed (Dalxa).
Shirka oo ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Diyaarinta is-afgarad wadashayn (Memorandum of Understanding) oo laba dhinac ah, tabbabarada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha kormeerka iyo Qiimaynta ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Is-dhaafsiga xogaha iyo macluumaadka ku saabsan kormeerka iyo Qiimaynta.
Ugu danbayntii waxaa la sameeyay guddi isku dhaf ah oo loo xilsaaray hirgelinta dhammaan qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen, waxaana loo balamay in kulamada nuucaan oo kale la badiyo.