Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin kala duwan oo kormeeray dhismaha Xabsi laga hirgelinayo Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin kala duwan oo kormeeray dhismaha Xabsi laga hirgelinayo Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socday Hay’addaha Garsoorka Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo Saraakiil ka socatay laamaha Amniga Heer Federaal ee ka howlgallaa Galmudug ayaa si wadajir ah kormeeray dhismaha Xabsiga Weyn ee laga dhisayo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta oo ay ka mid ahaayeen Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybtooda Galmudug Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse, Taliye Xigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, Guddoomiyaha Maxakamada gobalka Mudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf ayaa intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa ay qeyb qeyb u kormeereen dhismaha Xabsiga hirgalintiisu ay haatan gaba gabada ku dhowdahay, iyagoo waxbixxinno ka dhageysatay Mas’uuliyiinta shirkadda ee wada dhismaha Xabsiga, kuwaas oo sheegay in muddo dhow lasoo gaba gabeeyn doono Dhismaha Xabsiga.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse Xeer Ilaaliyaha Maxakamada Cidamada Qalabjka Sida oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in baahida weyn loo qabo dhismaha Xabsiga marka loo eego dambiyada ugu badan ee ka dhaca deegaannada Galmudug.

Taliye Kuxigeenkiisa Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Mudug ayaa bogaadiyay dardar gelinta dhismaha Xabsiga oo ay tilmaameen in baahi Weyn loo qabo.

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyay goobo argagixisada ku diyaarin jireen qaraxyo+Sawirro

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beri yeelana shir gaar ah

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beri yeelana shir gaar ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beri yeelana shir gaar ah

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In