Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiinta ugu Sareeya Garsoorka Dalka oo Kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Masuuliyiinta ugu Sareeya Garsoorka Dalka oo Kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha  Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan, oo ay wehliyeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka ee  Gobolka Banaadir Saalax Ibraahim Dhiblaawe Gudoommiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee C.Q.S G/sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa Maanta kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis farabadan oo dambiyo kala duwan u xukuman,waxaana Xabsiga dhexe ee Xamar kusoo dhaweeyey Masuuliyiintan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta ayeyna ugu horeyn salaan sharaf ka qaateen.

Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka iyo Masuuliyiintii la socday   ayaa mid mid u soo maray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiita, iyagoo si gaar ah Maxaabiista uga wareystay Noloshooda sida ay tahay iyo haddii ay jiraan waxyaabo ay tabanayaan, waxaana sidoo kale ay booqdeyn Masuuliyiintan  Warshadda tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar  oo Xilligii booqanayeen ay ka socotay Shaqooyinka caadiga ee Warshada ay qabato Maxaabiista ayaana ku hoolaneyd sameynta agabyada kala duwan ee warshada ay soo saarto oo ay ka mid yihiin qalab xafiiseedka Iwm.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Munaasabad  kooban ayaa loo sameeyey Masuuliyiintii uu horkacayey Gudoomiayah Maxkamadda sare ee Dalka Dr Ibraahim  iidle Suleymaan ,Waxaana mumaasabadda ugu horeyn ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud bashiir Maxamed jaamac  isagoo sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu dajiyey Qorshayaal badan oo lagu hormarinayo Xabsiyada Guud ee Dalka,ayna ka go’an tahay in la dardar galiyo shaqooyinka qaranka ay u hayaan.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka  Ibraahim Iidle suleymaan oo Munaasadda soo xiray ayaa sheegay in Xabsiga dhexe uu ku arkay Horumar aad u weyn oo ay ka mid yihiin in dib loo soo celiyey Waxsoosaarkii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo in Maxaabiista ay iminka fursad u heleen Waxbarashada noocyadeeda kala duwan oo ay ku qaadanayaan gudaha Xabsiga dhowr iyo labaatan sano ka dib.

4568911131617182122262728293233344041444546474950

Previous Post

Qaar Ka mid ah Ciidamada Booliska ah ee AMISOM oo sagootin loo sameeyey

Next Post

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

Next Post
Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In