Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiinta ugu Sareeya Garsoorka Dalka oo Kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 2, 2017
in Wararka
0
Masuuliyiinta ugu Sareeya Garsoorka Dalka oo Kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha  Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan, oo ay wehliyeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka ee  Gobolka Banaadir Saalax Ibraahim Dhiblaawe Gudoommiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee C.Q.S G/sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa Maanta kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis farabadan oo dambiyo kala duwan u xukuman,waxaana Xabsiga dhexe ee Xamar kusoo dhaweeyey Masuuliyiintan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta ayeyna ugu horeyn salaan sharaf ka qaateen.

Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka iyo Masuuliyiintii la socday   ayaa mid mid u soo maray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiita, iyagoo si gaar ah Maxaabiista uga wareystay Noloshooda sida ay tahay iyo haddii ay jiraan waxyaabo ay tabanayaan, waxaana sidoo kale ay booqdeyn Masuuliyiintan  Warshadda tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar  oo Xilligii booqanayeen ay ka socotay Shaqooyinka caadiga ee Warshada ay qabato Maxaabiista ayaana ku hoolaneyd sameynta agabyada kala duwan ee warshada ay soo saarto oo ay ka mid yihiin qalab xafiiseedka Iwm.

Related posts

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025

Munaasabad  kooban ayaa loo sameeyey Masuuliyiintii uu horkacayey Gudoomiayah Maxkamadda sare ee Dalka Dr Ibraahim  iidle Suleymaan ,Waxaana mumaasabadda ugu horeyn ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud bashiir Maxamed jaamac  isagoo sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu dajiyey Qorshayaal badan oo lagu hormarinayo Xabsiyada Guud ee Dalka,ayna ka go’an tahay in la dardar galiyo shaqooyinka qaranka ay u hayaan.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka  Ibraahim Iidle suleymaan oo Munaasadda soo xiray ayaa sheegay in Xabsiga dhexe uu ku arkay Horumar aad u weyn oo ay ka mid yihiin in dib loo soo celiyey Waxsoosaarkii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo in Maxaabiista ay iminka fursad u heleen Waxbarashada noocyadeeda kala duwan oo ay ku qaadanayaan gudaha Xabsiga dhowr iyo labaatan sano ka dib.

4568911131617182122262728293233344041444546474950

Previous Post

Qaar Ka mid ah Ciidamada Booliska ah ee AMISOM oo sagootin loo sameeyey

Next Post

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

Next Post
Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo soo saaray Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada.

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

July 10, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka,...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

July 10, 2025
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In