Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya ayaa wali waxaa hogaanka ku naalooneysa kooxda Difaacaneyso Horyaalka Soomaaliya ee Dekadaha oo dhamaan kulamadii ay Ciyaartay hal kulan oo quraa laga adkaaday waxaana laba dhibcood oo nadiif ah ay ka horeysaa kooxda Horseed oo Galabta ka soo adkaatay kooxda Batroolka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

Banaadir oo 24 Saac oo Si ku meel gaar ah ay ugu jirtay kaalinta labaad waxay ka dhacday kaalinta sadexaad kadib markii kooxdii booskaasi ku jirtay ee Horseed ay Soo adkaatay kulaneedii galabta oo 5-0 ay ku garaacday kooxda Batroolka.

Kaalinta afaraad wali waa ku jirta kooxda Heegan oo beri la Ciyaari doonto kooxda Madbacadda oo ayadu lafteeda ka Carareyso kaalinta labaad ee u Calaameysan in ay ka soo muuqan doonto xili ciyareedka soo socda Horyaalka heerka labaad.

Elman ayaa ku jirta kaalinta shanaad oo kulankeedi Soo garaacday Dekadaha  kulan adag oo ay la Ciyaartay kooxdaasi  oo ahayd koox aanan laga adkaan tan iyo markii la bilaabay horyaalka Soomaaliya balse Cabdi Joon ayaa ka jabiyay Rikorkii guuldaro la,aanta ahaa oo ay waday kooxda Dekadaha ayadoo Elman laba kulan oo is xiga ay adkaatay kulamadii ay ciyaartay bisha april.

Kaalinta Lixaad waxaa soo cariirsatay kooxda LLPP Jenyo oo adkaatay kulankii sadexaad dhamaan kulamada ay Ciyaartay Horyaalka Soomaaliya kadib markii ay si qurux badan ay u garaacday Gadiidka kulankii 12-aad ee horyaalka Soomaaliya oo ay wada Ciyareen.

Toddobo waxaa ku jirta kooxda Batrool oo la kulantay guuldaradii Shanaad Horyaalka Soomaaliya xili Ciyareedkan ayadoo kooxda Batroolka sidoo kale horey u gashay shan kulan oo barbaro.

Gadiidka ayaa kaalinta 8-aad kaga jirto kala horeynta Horyaalka Soomaaliya waxaana ay isku dhibco yahiin kooxda Madbacadda oo kulan la ciyaari doonto kooxda Heegan Berito kaasi ayaana ah kulanka ugu danbeeya horyaalka Soomaaliya kulamadii 12-aad oo Sideed kooxod ay Ciyareen.

Kaalimaha u Caleemaysan horyaalka heerka labaad ayaa waxaa ku jira Madbacada iyo kooxda Waxool oo shan dhibcood oo kaliya uruursatay dhamaan 12-kulan oo ay Ciyaartay Kooxda hoos tagta Wasarada Xanaanada iyo Xoolaha ee dowlada Soomaaliya.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo dib u habeyn ku sameeyay xarunta Degmada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In