Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaa laga yiri shirka Wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee Ilaalinta Taakuleynta Barakacayaasha?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 16, 2024
in Wararka
0
Maxaa laga yiri shirka Wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee Ilaalinta Taakuleynta Barakacayaasha?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane CaliYuusufCali- Xoosh ayaa maanta kaqeybgalay Daahfurka wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee Ilaalinta, Taakuleynta iyo Xalka Waara ee Barakacayaasha, Qaxootiga iyo Dadka Soo Gurya Noqday.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka), qeybna ka ahaayeen hey’adaha dowladda, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ayaa khudbad uu kajeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxaa uu ku dheeraaday ahmiyadda Istaraatiijiyaddan u leedahay wax kaqabashada xaaladaada Barakaca isaga oo yiri “ Istaraatiijiyaddan waa Waa tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dadaallada mideysan ee loogu helayo Taakuleynta, bedqabkooda iyo xalwaara dhammaan Barakacayaasha, Qaxootiga iyo kuwa soo gurya-noqday”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

“Waxaan ogsoonnahay in Barakucu aanu ahayn keliya qadiyad Banii’aadnimo ama Horumar ee uu keeno khatar amni. Bulshooyinka quusta jooga iyo kuwa nugul, waxaa ka faa’ideysta kooxaha hubeysan iyo Khawaarijta taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo xasiloonida guud, sidaasi darteed xal u helidda barakaca waxaa ay muhiim u tahay helitaan amni iyo nabad ka dhalata guud ahaan Soomaaliya” ayuu intaa raaciyey.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuuusuf Cali(Xoosh) waxaa kelmaddiisa kusoo gabogabeeyay adkeynta in laga qeybgalo Wadatashiyada leh heerarka kala duwan ee loo qorsheeyey iyada oo laga talo-gelin doono dhammaan dowlad goboleedyada, hey’adaha aan dowliga ah( NGOska) iyo saxiibada caalamka.

 







Previous Post

Wasiirka Qorsheynta oo qaabilay Agaasimaha Horumarinta Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo dhiirigelin ugu tegay ciidanka ku sugan Waniile

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo dhiirigelin ugu tegay ciidanka ku sugan Waniile

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo dhiirigelin ugu tegay ciidanka ku sugan Waniile

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In