Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta shir Guddoomiyey kulan ay isugu imaadeen Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha Ben’aadanimada oo looga hadlayay xaaladda Magaalada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Jubba.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, la-taliyaha Istaraatiijiyadda iyo Iskaashiga Mudane Maxamed Cumar Macalin, Madaxa isku-xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna Ku-xigeenka madaxa Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Aadam Cabdul Mowla, waxaana looga hadlay Xaalada Baardheere iyo Sida dadka halkaas sameenta ka soo gaartay gargaar loo gaarsiin karo.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saarayo arrimaha biyaha iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayadoo lugu balamay in Hay’adda SODMA ay qaadato dowrka isku xirka.