Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 4, 2015
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maxaabiista Xabsiga Garowe oo kulan Kubadda cagta la yeeshay Koox ka socotay Garoonka Classic “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaaladda Garowe ee caasimadda Dowlad goboleedka Puntland waxaa ka dhacday  cayaar kubadda Cagta oo dhex martay Koox matalaysay Maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhexe ee Garowe iyo Koox ka socotay Garoonka Classic Stadium ee Magaaladda Garowe.

Cayaartan   oo ka dhacday Xabsiga dhexdiisa  ayay ahayd mid ugub ah oo labada dhinac ay ku soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay ayaa waxa ay guushu ku raacday Kooxdii ka socotay Garoonka Classic, iyagoo uga badiyay Kooxda Maxaabiista Xabsiga Garowe 5 iyo 4 Gool.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Kooxda ka socotay Garoonka Classic  waxay ahaayeen koox adag oo muddo cayaarayay Kubadda cagta, laakiinse kooxdii  magaca maxaabiistu waxay soo bandhigeen cayaar qurux badan” ayuu yiri Axmed Jowle oo Hoggaaminayay Teamka Classic Stadium.

“Runtii aad bay ugu farxeen in la kulmaan, la ciyaarayaan, la sheekaystaan  Maxaabiistii nala ciyaaraysay iyo kuwii daawanayay” ayuu  sii raaciyay Axmed Jowle.

Kulankan kubadda cagta ah ee dhexmaray Labadan kooxood ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee Maxaabiis ku xiran Xabsi ku yaal deegaanada Puntland ay la ciyaaraan kooxo ka socotay bannaanka Xabsiga, waxaana soo qabanqaabiyay Mulkiilaha Garoonka Classic Studium ee Magaaladda Garowe Axmed Jowle.

Dhanka kale ganacsade Axmed Jowle, waxaa uu Maxaabiista u hadyeeyay Neef Geel ah oo  loo qalay Maxaabiista ku xiran Xabsiga Garowe iyo Kooxdii  la Ciyaartay.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Taliska Ciidanka Asluubta iyo Masuuliyin kale oo ka socotay Dowlad goboleedka Puntland, waxayna dhammaantood uga mahadnaqeen Ganacsatada Axmed Jowle Deeqda uu soo gaarsiiyay iyo kulanka Kubadda cagta ah ee ay la yeesheen Maxaabiista.

1 2 3 5 6 7 8 9 10 sawir garonka clasic 1 sawir garonka clasic 2 sawir garonka clasic 3 sawir garonka clasic 4 sawir garonka clasic 6 sawir garonka clasic 7

Previous Post

Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In