Monday, June 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaad Ka Xusuusataa Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Soomaaliya Soo Maray Sanadkii 2014-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 1, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Maxaad Ka Xusuusataa Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Soomaaliya Soo Maray Sanadkii 2014-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-dii janaayo ee sanadkii tagay 2014 –ka  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  Ansixiyey Miisaaniyadda Seddexdii Bilood Ee Ugu Horeysa Sanadkaasi taasi oo ay u gudbisay wasaaradda Maaliyadda.

4-tii Janaayo ee 2014 Saciid Xasan Shire ayaa Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo wareeggii saddexaad helay ee tartaankaasi  codad dhan  40 cod, iyadoo Baarlamaanka Dalka uu u hambalyeeyay Saciid Xasan Shire.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025

7-dii Janaayo 2014 Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in ay Soo Daadgureyso Muwaadiniiteeda Ku Sugnaa Dalka Koonfurta Suudaan oo ay saameyn ku yeesheen dagaaladii ka dhacayay dalkaasi, iyadoo isla maalintaasi Muqdisho ay ka soo dajisay 136  muwaadiniin Soomaaliyee kuwaa oo ka mahadceliyay.

8-dii  Janaayo 2014 Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa madaxweynaha maamulkaasi u doortay C/weli Maxamed Cali Gaas oo helay 33 cod halka C/raxmaan Maxamed Maxamuud  Faroole oo la tartamayay Mr Gaas uu isna helay 32 cod, waxaana xuamatay hal cod, sidaasi ayuuna ku noqday Madaxweynaha Maamulka Puntland, waxaana isla maalintaasi u hambalyeeyay Madaxda Dalka ugu Sareysa.

9-kii Janaayo  2014 Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga Ka Jaray Villa Hargeysa Oo Ah Xafiisyada Gudoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka, iyadoo ay ka hadleen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari.

17-kii  Janaayo ee 2014 Liiska Cusub ee Golaha Wasiirrada Xukuumaddii Hore ayaa  lagu dhawaaqay, waxaana golahaasi wasiirada ay ka koobnaayeen 25 Wasiir, 25 wasiir ku xigeenno, iyo 5 wasiiru dowlayaal, iyadoo uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaarihii hore mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo Sheegay in magacaabista golaha wasiirada ay ka dambeysay wada tashi dheer.

21-kii Janaayo 2014 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida ah siiyay xukumaadii uu markaas oo dhisay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed  xukuumadaas oo ka koobnayd 55 xubnood oo isugu jiray wasiiro wasiir ku xigeenno  iyo wasiiru dowlayaal gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xiligaas ku dhawaaqay natiijada codeynta.

21-kii Janaayo 2014 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soo dhaweeyey ansixinta Golaha Wasiirada  ay ansixiyeen Baarlamaanka dalka.

22- Janaayo 2014 Ciidamda Ethiopia ayaa si rasmi ah ugu mid noqday ciidamda midowga Africa Ee Amisom.

22-kii Janaayo 2014 Maalin kaddib markii Baarlamaanka uu ansixiyay Golihii Wasiirada ee Xukuumadii  C/weli Sheekh waxaa  Xubnaha  G/Wasiirada Cusub  Lagu dhaariyay hoolka Baarlmaanka ee golaha shacabka, waxaana isla maalintaasi Madaxweynaha Dalka uu soo xiray  Kalfadhiga sedexaad ee Baarlamaanka, iyadoo kulankaasi ay khudbad ka jeediyeen sedexda mas’uul ee ugu sareysay dalka.

30-kii  Janaayo 2014 safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa warbaahinta Qaranka u soo bandhigtay Dib U Dhis Iyo Qalabeyn Lagu Sameeyay Isbitaalkii Digfeer ee Magaalada Muqdisho oo noqonaya isbitaalka geeska Africa ugu weyn.

1-dii Febraayo 2014 waxaa Dalka Mareykanka ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku xanuunsanayay dalkaasi, iyadoo madaxda dalka ay ka tacsiyeeyeen geerida Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji.

1-dii Febraayo 2014 Ku simaha Madaxweynaha Dalka ee xiligaasi ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa  Gudi Laba Gole Ah U Saaray Aaska Qaran ee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isulwasaarihii Labaad ee Dalkeenna.

5-tii  Febraayo 2014 Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS ayaa howlgal waaberigii maalintaasi ay  ka sameeyeen deegaanno ka tirsan  gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay kula wareegeen deegaanka Gendershe oo ah deegaan istiraatiiji ah oo ku taal xeebta islmarakaana maleeshiyaadka Shabaab ay ku lahaayeen saldhigyo lagu tababaro argagaxisada.

7-dii  Febraayo 2014   meydka R/wasaarihii hore Allaha u Naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde oo si ham maamuus leh ay ugu soo dhaweeyeen madaxda dalka, iyadoo meydka ay diyaaradda ka soo dajiyeen CXD, waxaana isla maalintaasi lagu Aasay Deegaanka Ceel Cirfiid, iyadoo Aaskaasi ka hadleen Ubax C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah gabar uu dhalay Marxuumka, iyo Madaxweynaha Dalka Oo Sheegay in marxuumka uu Ahaa nin Taariikhda baal dahab ah ka galay.

8-dii Febraayo 2014  Wasiirkii hore ee  Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa  tababar u  xiray cutubyadii ugu horeeyay ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo loo diyaarinayo Kumaandooska cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay gudaha dalka.

8-dii  Febraayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Ka Qeybgalay Kulan looga hadlayay  Xusuusta Ay Umadda Soomaaliyeed Ka Dhaxashay Ra’isul wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka hadlay Taariikhda Marxuumka.

13-kii  Febraayo 2014 waxaa xarunta Wasaaradda warfaafinta lagu qabtay Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Raadiyaha Adduunka islamarkaana lagu xususanayay wariyayaashii iyo fanaaniintii sida gardarada ah loogu dilay dalka.

14-kii Febraayo 2014  Ra’iisul Wasaarihii hore ee  Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed  iyo Dhigiisa Dalka Ethiopia  kulan uu ku dhexmaray Addis Ababa iyadoo  Heshiisyo dhexmaray labada Dawladood oo ku saabsan dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Warbaahinta, Duulista Hawada iyo ka qayb qaadashada horumarinta iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

15-kii Febraayo 2014 Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa  soo bandhigtay adeeggii Boosto ugu horreeyey ee soo gaara Wasaaradda Boostada kaddib munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaraddaasi.

17-kii Febraayo 2014 Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu qaarijiyay Ciise Maxamed oo loo yaqiinay Ciise Kambooni oo ahaa madaxii ammaanka ee magaalada kismaayo, iyadoo dilkiisa uu ka dambeeyay mid ka mid ah ilaaladiisa oo horey ugu soo goostay maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab.

18-kii Febraayo 2014 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC kaasi oo si rasmi ah uga furmay magaalada Tehran ee caasimadda Dalka Iran.

19kii  Febryaayo 2014 Allaha u Naxariiste Magalada Muqdisho ku geeriyooday Gool ahayihii hore ee xulka qaranka dalkeena Soomaaliya Maxamed Nuur Maxamed oo ku magac dheera Shabeelka kaa u jiifay isbitaal Madiina jug uu gaarsiiyay Gaari.

21- kii Febraayo 2014 Ciidamada Ammaanka ayaa  fashiliayay weerar aragagaxisada Al Shabaab ay ku soo qaadeen Madaxtooyada iyadoo Wasiirkii hore ee  Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed uu ka  hadlay weerarkaasi  naf lacaarinimada ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

23-kii Febraayo 2014 Ra’iisul Wasaarihii hore ee  Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa  ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka kooxaha argagaxisadda ah ay ku carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu khudbad ka jeediyay banaanbaxaasi.

24-kii Febraayo 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay hiigsiga cusub, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiilo ka socday beesha caalamka, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Xubno ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo xubno kale oo kulanka lagu casuumay.

27-kii Febraayo 2014 Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Sareeyo Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo xiligaasi ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida, iyadoo isla maalintaasi wareegto xilka looga qaadayo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ay soo baxday.

-11 March 2014, Waxaa isbitaal ku yaala Dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaankii Maxamed Suleyman Tubeec oo uu in muddo ah ku xanuunsanayay, iyadoo madaxda dalka ay ka tacsiyeesay Geeridaasi.

-13 march 2014 Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan, iyo deegaanka Buq- aqable oo ka mid ah meelihii ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibateyn jireen.

-16 March 2014 Allaha u naxariistee fanaankii Maxamed Suleyman Tubeec ayaa  aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii  laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo Aaskiisa ay ka qeyb galeen Ra’isul wasaarahii hore ee Soomaaliya C weli Sheekh Axmed Maxamed ,  iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada.

-16 March 2014 Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka degmadaasi.

-21 March 2014 Allaha u naxariistee waxaa Muqdisho ku geeriyooday guddoomihii gudigga qoray farta Soomaaliga Marxuum Shariif  Saalax Maxamed Cali oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee bur burtay 1991-kii, iyadoo ka ay tacsiyeeyeen Madaxda Qaranka.

-21 March 2014 Hay’adaha horumarinta dalka Turkiga ayaa Muqdisho ka bilaabay  howlo ay ku dayactirayaan waddooyinka laamiyada ah ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo dib u soo celisay  bilicdii magaaladu ay lahayd.

-22 March 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa  furay kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka, iyadoo Guddoomiyaha golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ka hadleen furitaanka Kalfadhigaasi.

-22 March 2014  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Qoryooley  oo laga saaray Aragagaxisada Al Shabaab, iyadoo Ciidamada Baaritaano ay ka sameeyeen.

-24 March 2014 ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ay ku amar ku taagleyn jireen Kooxda maleeshiyaadka Al Shabaan, iyadoo dadka ku dhaqan degmadaasi Ciidamada ay si aad ah u soo dhaweeyeen.

-26 March 2014 Ciidamada Dowladda iyo kuwa midowga Africa ee Amsiom ayaa la wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo argagaxisada Al Shabaab dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin ku hayay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

-15 April 2014 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Cabdi Fataax Xasan Afrax u Magacaabay Gudoomiyaha G/Hiiraan oo mar soo noqday guddoomiyihii gobolkaasi.

-15 April 2014 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo  socdaal shaqo ay ku  tageen dalka Talyaaniga ayaa  booqday Jaamacadda Napoli halkaasi oo qeyb ka mid ah Afka Soomaaliga wax looga dhigto, iyadoo uu khudbad ka jeediyay halkaasi.

-17  April 2014  Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay  Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii  2014, taasi oo Xildhibaannada laga dhowrayey mudo bil ah, waxaana codeyn gacan taag ah ay 162 Mudane ugu codeeyeen Haa oo micnaheedu yahay in Miisaaniyaddu ansax tahay,waxaa diiday, 7Xildhibaan, 3Xildhibaanna waa ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirkaasi Guddoominayey .

-21 April 2014 magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibaan kalena lagu dhaawacay gaari waxyaabaha qarxa loogu xiray , waxaana xildhibaanka la dilay lagu macaabi jiray isxaaq Maxamed Riinow, iyadoo xildhibaanka dhaawaca uu soo gaaray  lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Dhuux.

-22 April 2014 Dhagar qabayaal hubeysan ayaa ku dilay Degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir allaha u naxariistee Xildhibaan C/casiis Isxaaq Mursal.

-7  may 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh ayaa Socod Lug Ah Ku Maray Qeybo Ka Mid Ah Caasimadda Kadib Soo Dhaweyntiisa oo uu safar dibadda ah uu kaga yimid waxaana uu ka warbixiyay booqashooyin uu ku tagay dalal ku yaala caalamka.

-19  May   2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xili habeen ah kormeeray ciidamada amaanka ee ka howlgala xaafadaha degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir iyo saldhigyada

-23 May 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  mar kale xili habeen  u kuur-galay xaaladda amni iyo mida nololeed ee magaaladda Muqdisho ayaa kormeeray goobaha ganacsiga oo dadku isugu yimaado, isagoo la fiidsaday, waxaana uu ka hadlay dareenkiisa ku aadan kormeeerka habeenkaa.

-24  May 2014 Ciidamada ayaa si dhaqse leh ugu hortagay weerar argagaxiso oo AL Shabaab ay ku soo qaadeen Xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo jilibka u dhigtay  in sinaba maleeshiyaadkaasi aysan ugu gudbin halka ay ku shirayeen xildhibaannada, iyadoo Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka uu ammaan u jeediyay ciidamadaasi.

-31 May 2014  Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah  ku ridday eedeysanayaashii loo heystay dilkii Nafiso Cusmaan oo aheyd Ardayad Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya, iyadoo xukunkaasi uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

-5 Juun 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaarahii hore  C/weli Sheekh Axmed MAxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda  ayaa markab ay leeyihiin Ciidamada Badda  Dalka Turkiga oo Ku Soo Xirtay Dekeda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho.

-7 juun 2014 Horjoogihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Gal Gala Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom)  ayaa isu soo dhiibay dowladd Soomaaliya, iyadoo si aad ah uu kaga hadlay dhibaatooyinka iyo marin habaabinta Al Shabaab.

-18 Juun 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo Xildhibaano ayaa booqasho ku tegey magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool.

-21 juun 2014 Allaha u naxariistee Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan  oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgalla Caasimadda ayaa u geeriyooday qarax loogu soo xiray gaarigiisa, iyadoo Aas loogu sameeyay magaalada Muqdsiho ay ka qeyb galeen qeybaha Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

-3 July 2014 Kooxo dhagar qabayaal ah ayaa  degmada Xamar weyne Ee Gobolka Banaadir ku dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ka bad baaday Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka oo la socday xildhibaanka geeriyooday,  iyadoo xildhibaanka uu la geeriyooday  mid ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya.

-8 july 2014 Ciidamada Amaanka ayaa fashiliyay weerar maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada Al Shabaab ay ku soo qaadeen aqalka Dalka looga arrimiyo ee madaxtooyada, iyadoo shaqsigii ka dambeeyay weerarkaasi gacanta lagu dhigay, waxaana falkaasi ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jiraa’id ku qabtay Xarunta madaxtooyada.

-9 July R/wasaarihii hore Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, isagoo xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidda una magacaabay taliyayaal cusub, haddaba shir jiraa’id oo arrimahaasi lagu faah faahinayo ayaa waxaa qabtay sii hayaha wasiirka warfaafinta Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

-15 july 2014 Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  toogatay labo gacan ku dhiigle oo ka dambeeyay dilkii loo geystay Nafisa Cismaan Salaad oo eheyd gabar arday ah, iyadoo gacan ku dhiiglayaashaasi lagy kala magacaabu jiray Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shaataa) .

-23 July 2014  Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo kooxaha dilka u geytsay ay wateen gaari kuwaa oo toogtay iyada iyo darawalkeedii.

-1 August 2014 Allaha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Madeer ayaa kooxo hubeysan dil ugu geystey gudaha degmada Xamarweyne ee Gobolka Benaadir xili uu salaada uu kaga soo baxay masaajidka Marwaas ee degmadaasi, iyadoo ay ka tacsiyeeyeen madaxda dalka.

 

-3 August 2014 Magaalada Muqdisho ayaa  lagu toogtay Sadex dhagarqabe oo ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo  Dambiilayaasha lagu toogtay Tiirka Iskool Bolisiya aya kala ahaa Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Qaranka, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyagu gacantooda ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.

-15 August 2014 Dowladda Soomaaliya ayaa albaabaha isugu dhiftay idaacadaha Shabelle iyo Sky oo baahiyay warar iska horkeen ah oo dhaawacaya qaranimada, waxaana ilaa hadda idaacadahaasi ay yihiin  kuwa xiran, iyadoo sidoo kale xabsi ku yaala magaalada Muqdisho ay ku jiraan laba wariye oo u shaqeynayay idaacadahaasi.

-26 August 2014 Guddoomiyaha  maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida  ee dalka Cabdiraxmaan  Maxamuud  Tuuryare  ayaa soo saaray go’aan ah in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga kireeyn Karin  guryo ama goobo kale, Wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka ayuu guddoomiyuhu ugu baaqay dadka shacabka ah in ay ciidamada ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan islamarkaana ay la shaqeeyaan maamullada degaanka si looga fogaado in kooxaha dhibaatada wada ay fursad u helaan inay bulshada dhexdeeda ku abaabulaan qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

-3 Septemper 2014 Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMIOM ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta degmada Jala-laqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka ceyriyeen argagixisada Al-Shabaab, waxaana markii ciidamada ay galeen magaaladaasi Dadka Shacabka ah  kula hadlay buundada Jalalaqsi Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/risaaq Khaliif Cilmi.

13 August 2014 magaalada Muqdisho ayaa waxaa booqasho hal maalin ah ku yimid 15 xubnood oo ka tirsan golaha ammaanka ee Q.M, waxaana hogaaminayay danjiraha Britain ee  umadaha midoobay, iyadoo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada.

-5 Septemper 2014 Wasaarada gaashaandhiga ee Pentangonka ayaa xaqiijisay in horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab Ahmed Abdi ow Godane uu ku geeriyooday weerarkii cirka ee ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, iyadoo Madaxweynaha Dalka uu ka hadlay weerarkaasi lagu Dilay Godane Sheegayna waqtiga Shabaab in  uu dhamaaday.

21 September 2014 Golaha Wasiirada  ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay C/raxmaaan Cumada kaddib markii horaantii bishaasi xilkii laga qaaday taliyihii hore ee nabad sugida C/llaahi Sambaloolshe

-1 October 2014 Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii laga ceyriyay maleeshiyaadka Argagaxisada Al Shabaab.

-6 October 2014 Ciidanka XDS  iyo kuwa AMISOM, ayaa la wareegay magaalada  Baraawe oo ah meelaha ugu daran ee Shabaabku dadka ku dhibaateeyn jireen. iyadoo fagaarihii dadka ay ku toogan jireen argagaxisada lagu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen dadka deegaanka oo lagu soo dhaweynayay Dowladda Soomaaliya.

-11 October 2014 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay booqday degmada Baraawe oo maalma xor ah, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay waxaana goob fagaaraha uu kula hadlay shacabka reer Baraawe oo ku Caanbaxay Nabad jeceylka.

-12 October 2014 kooxo hubeysan ayaa meel banaanka ka ah gurigiisa ku dhaawacay Crisaaq Cilmi Jaamac Balack oo hadda dhaawiciisa u  jiifa isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

-25 October 2014 Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihii Wasiirada, iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu  ka soo horjeestay isku shaandheyntaasi.

– 29 October 2014 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa, iyadoo si weyn muqsisho loogu soo dhaweeyay kulana la qaatay madaxda dalka, waxaana booqashadaasi ka hadlay madaxweyne Xasan iyo Maan-kii moon.\

-13 November 2014 Ciidammada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen Hub, Gaadiid iyo rag ka dambeeyay dilka Xidhibaan Saado Cali Warsame, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, iyo muwaadiniin kale, waxaana maleeshiyaadkaasi ay ahaayeen shabakado isku xiran oo argagaxisada ka tirsan Shuceyb Ibraahim Mahdi oo ka mid ahaa maleeshiyaadkaasi ayaa ka hadlay sida ay u geysteen dilalka Muqdisho ay ka geysteen.

-17 Noveber 2014 Shariif Xasan Sh. Aadan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya , iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hambalyeeyay Shariif Xasan oo doorashadaasi ku soo baxay.

-18 Novembar 2014 Dhagar qabayaal  ayaa wariye C/risaaq  Cali Cabdi Silfar oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo, iyadoo Allaha u naxariistee marxuumka uu u shaqeynayay idaacadda Daljir

-19 November 2014 Shirka caalamiga ah ee Soomaalida ee hiisgiga cusub 2016 ayaa ka furmay Copenhagen, iyadooo ay ka qeyb galeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxweynaha uu khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu ka jeediyay shirkaasi.

-4 December 2014 Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu hogaaminayay  R/wasaare wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweit Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa  kulan ay la qaatay madaxda ugu sareysa dalka oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaasi kaddib si wada jir ah ula hadlay warbaahinta madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwait

-5 December 2014 in kabadan 10-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay maqaayad ku taala bartamaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay fadhiyeen dadweyne aad u fara badan, halka dhaawacana uu  kor uu  u dhaafay 30-ruux.

-6 December 2014 Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo natiijada kulankaasi uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

-6 December 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaaminayay.

-9 December 2014 Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa Muqdisho ku soo bandhigtay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji Maxamuud, iyadoo laga soo qabtay dalka Kenya kaasi oo ka dambeeyay dilal muqdisho loogu geystay wariyeyaal.

-17 December 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, iyadoo uu u magacaabay Cumar C/rishiid Cali Sharmaare oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee mareynkanka, waxaana Munaasabadda magacaabista Ra’isul wasaaraha ka hadlay madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha la magacaabay.

-21 December 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kula kulmay dalka Jibuuti  madaxweynaha maamulka Somaliland iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo ay ka mid ahaayeen wada xaajoodka soo socday mudada ee u dhexeeyay maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

-24 Decemeber 2014 Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyay Ra’isul Wasaare Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke iyadoo isla maalintaasi lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ah, waxaana khudbad ay kaga hadlayeen kalsooni siinta Ra’isul wasaaraha ka jeediyay kulankaasi Ra’isul Wasaaraha, iyo Madaxweynaha.

-25 December 2014 Ra’isul Wasaare Cumar C/rishiid Cali Sharmaare ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ra’isul wasaarenimi, iyadoo uu kala wareegay ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana munaasabadda xilka uu kula wareegayay ka qeyb galay madaxweyne Xasan iyadoo Khudbad ay ka jeediyeen munaasabadaasi ay kaga hadleen Dowlad wanaaga.

25-kii kii December Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud ayaa isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho w ku dhashay afar gabdhood oo mataano ah

 

W/D:-Mustaf Xuseen C/lle

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Munaasabad lagu soo dhaweynayay sanadka cusub oo xalay lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Next Post
Munaasabad lagu soo dhaweynayay sanadka cusub oo xalay lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Munaasabad lagu soo dhaweynayay sanadka cusub oo xalay lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha...

Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay...

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

June 2, 2025
0

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In