Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxaad kala socotaa sababaha dhaliyay weerarka Turkigu ku qaaday ururka PKK
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marka hore waa in si hufan loo fahmo ururka PKK kaas dadka qaar ay fikir qaldan ka haystaan iyagoo ku tilmaamo in uu yahay urur ay leeyihiin dadka Kurdiyiinta ah, taasi oo ah mid xaqiiqada ka fog, PKK waxay marar badan fuliyeen falal argagixiso iyagoo xasuuqay tobaneeyo kun oo shacab aan waxba galabsan ah kuwaas oo aan loo kala aaba yeelin,  waxaana xusid mudan in meelaha ay xasuuqa ka geysteen ay ka mid tahay deegaano ay ku sugan yihiin dad Kurdi   ah,  xarumo adeega bulshada sida gaadiidka, dhuumaha shidaalka  iyo tareenada.

Falalka argagixiso ee PKK ayaa waxaa dhinac socda rabshado halis ku ah amaanka, 1dii bishii Janaayo ee sandkan 2015 ilaa 7dii August ayaa PKK fuliyeen falal rabshadeed dhan 2219 shil kuwaas oo isugu jira: Dab la qabadsiiyo guryaha iyo goobaha ganacsiga, jid gooyo, burburin xarumo ganacsi, gaadiid la gubo, handadaadyo hubaysan, qaraxyo, dhaawacyo iyo dilal.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Dhawaan ayay ururka Daacish weerar ismiidaamin ku qaadeen magaalada Suruç iyagoo dilay 32 ruux oo ah muwaadiniin Turkey ah halka ururka PKK ay iyana dileen labo police ah, taasi waxay dhalisay in dalka Turkigu si dhaqsi ah uga jawaabo si ay u ilaaliyeen nabadgalyadoodada iyo deganaanshaha guud ee Turkiga, waxaa xaqiiqo ah in dalna aqbali karin in halis la geliyo amaanka shacabka, taasi waxay dhalisay in ciidamada Turkigu weerar ku qaaday ururada argagixisada ee kala ah DAESH, PKK iyo DHKP-C

Bishii July 20keedii ayaa ururka PKK waxay ku kaceen falal kale oo argagixiso iyagoo dilay 23 ka tirsan ciidamo isugu jira police, gendarmerie iyo military, waxay dhaawaceen 127 kale iyagoo afduubay laba ruux.

PKK ayaa bilaabay in dib u hagaajiyaan halkii ay ku dhuumaaleysan jireen ee buuraleyda Qandil ee dhacda waqooyiga Ciraaq si halkaas ay uga dhigtaan saldhig ay ka soo duulaan.

11 July 2015 ayaa PKK iclaamiyeen in ay dib u bilaabayaan weeraradii argagixiso iyagoo buriyay xabad joojintii, maalmo yar kadib ayay hadana ku dhawaaqeen in ay burburinayaan adeegyada bulshada gaar ahaan biyo-xireenada, wadooyinka iyo shirkadaha qaabilsan dhismaha mashaariicdaas iyagoo isla markiiba bilaabay falalkii argagixiso ee ay ku baaqeen.

Ciidamada cirka ee Turkiga ayaa ku dhaqaaqay weerar ka dhan ah Daacish, halka ciidanka la dagaalanka argagixisaduna ay bar-tilmaameedsi xoogan ku bilaabeen DEASH, PKK and DHKP-C, sidoo kale waxaa Turkigu ciidamada cirka ee Mareykanka u ogolaadeen isticmaalka xarunta ciidanka cirka ee İncirlik.

Weerarada iyo falalka argagixiso ee PKK ayaa waxaa dhinac socda propaganda ka dhan ah Turkiga iyagoo ku tilmaamay in duulaanka Turkiga la xariiro arimo siyaasadeed, in Turkigu doonayo in uu baabi’iyo geedisocodkii nabada iyo in uu gacan siinayo Daacish, ujeedada dacaayadahani waa in la abuuro jahawareer si PKK u helaan fursad ay ku sii wadaan falalkooda argagixiso, hase yeeshee taasi ma joojinayso duulaanka.

Dowlada Turkiga ayaa waxaa ka go’an in mar walba wax lagu raadiyo qaab nabad gelyo hase yeeshee geedisocodka nuucaas ah waxuu imaan karaa markii PKK joojiyaan falaka argagixiso isla markaana ay hubka dhigaan.

Beesha caalamka ayaa dalka Turkiga ku taageertay in sii wadaan duulaanka ay ku difaacayaan nabadgelyada iyo deganaashaha dalkooda.

 

 

Previous Post

Haween la barayo leerarka cadceedda ku shaqeeya oo loo qaadayo dalka Hindia

Next Post

Wasiirka dhallinyarada oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Next Post
Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo hambalyada maalinta dhalinyarada 15_ka May u diray dhalinta Soomaaliyeed

Wasiirka dhallinyarada oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In