Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay sida ay Diinta Islaamka uga fog tahay in Guriga Alle (Beytka Alle) lagu dhex dilo qof Islaam ah oo ku gudanaya mid ka mid ah Waajibaadka Alle uu saaray.

Alle ha naxariisteen Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xalay Masjidka Sheikh Aweys waxay ku dileen Kooxo hubeysan isagoo Rakada Labaad ee Salaadda Cishaha ku jira.

Related posts

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026

Dhagar qabayaasha oo ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuum Xasan Cali Yuusuf waxay dhowr Xabadood kaga dhufteen Madaxa,halkaasina uu ku dhintay.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka Foosha xun ee lagula kacay Alle ha u naxariistee Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf ayaa sheegay inuu yahay mid ka baxsan Diinta Islaamka in ruux Muslim ah Beytka Alle lagu dhex dillo.

“Al-Shabaab waa Caammo,Waa Fikrad meel kale laga soo minguuriyay oo aynaan cilmi u lahayn,iyagiina caqli malahan,” ayuu yiri Sheikh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheikh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in Kooxaha dhagar qabayaasha ay doonayaan iney dadka ka go’yaan Masaajida si ay Allahooda abuurtay u caabudaan,wuxuuna cadeeyay iney tahay fal lagula dagaalamayo Diinta Islaamka.

Sheikh Abdul Baari,ayaa carabka ku dhuftay in Kooxaha Albaabada Masaajida qoryaha iyo Bastooladaha la taagan ee rabba iney muslimiinta dhibaateeyaan ogaadaan in Alle bari ka yihiin,Nabagiisa “NNKH”  bari ka yihiin,Diinta Islaamkana bari ka yihiin,islamarkaana maalinta danbeysa cadaab adag ay la kulmi doonaan.

Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kana hadlay dilkii Foosha Xummaa ee Kooxaha Nabad-diidka ay u geysteen Alle ha u naxariistee Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay ineysan banaaneyn in Guriyaha Ilaahey oo ah meel aamin ah laga dhigo meel dadka lagu cabsi geliyo,dhiigiisa lagu daadiyo,dadka lagu laayo,wuxuuna ugu baaqay in Ilaahey ka baqaan oo ay joojiyaan dhiiga Muslimka ay Beytka Ilaahey ay ku daadinayaan.

Dadkii Saaladda kula tukanayay Alle ha u Naxariistee Kormeere Xasan Cali Yuusuf oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Masjidka Sheikh Aweys ee degmada Xamar Jajab ayaa sheegay iney argagaxeen markii ay maqleen Xabad ka dhex dhaceyso Masjidka,iyagoona hadalkooda intaasi raaciyay iney lama filaan ku noqotay dilka.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyey latashiyada ku saabsan siyaasadda barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

Dalka Australia oo looga dabaaldegay maalinta xornimada Jabuuti

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Sanad-guurrada 49-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn looga dabaaldegay magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaas oo ay...

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray magaalada Baydhaba

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In