Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aaden ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Alan Cole oo ah Madaxa Maareynta Xuduudaha ee hayโadda Qaramada Midoobay ee UNODC.
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinaca, dib u dhiska amniga badda Soomaaliya iyo sidii lagu hirgalin lahaa tabo suuragalinaya fulinta howlgallada lagu sugayo amniga baddeenna.
Wasiir Axmed ayaa hayโadda Qaramada Midoobay ee UNODC uga mahadceliyey sida saxiibtinimada leh ee ay dalkeenna uga taageeraan la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo hagaajinta amniga badeenna.