Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxay tahay danta Pakistan iyo Russia ka leeyihiin Afghanistan?

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Maxay tahay danta Pakistan iyo Russia ka leeyihiin Afghanistan?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha Pakistan iyo Russia ayaa ka wada hadlay mowqifkooda xaaladda dalka Afghanistan, sida lagu sheegay bayaan ka soo kala baxay labada dowladood ka hor shirka iskaashiga Shanghani oo dhici doono todobaadka dambe.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo Ra’iisul wasaaraha Pakistani Cimran Khaan ayaa telefoon ku wada hadlay tallaadadii, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Wada hadalka wuxuu ku saabsanaa xaaladda Afghanistan iyo sidii mowqif mid ah uga yeelan lahaayeen isla markaana loo heli lahaa waddadii lagu raadin lahaa xasiloonida,” sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Russia.

Sidoo kale, war saxaafadeedka ka soo baxay Pakistan ayaa lagu yiri “Wada tashi iyo wada shaqeyn ku saabsan xaaladda Afghanistan waxaa yeeshey Pakistan iyo Russia iyadoo laga duulayo ahmiyadda dalkaas”.

Waxaa intaas lagu daray in Ra’isul wasaare Khaan uu adkeeyay intii wada hadalka socday in diiradda la saaro nabadda iyo xasiloonida Afghanistan sidoo kalena Pakistan ay ka fileyso bulshada caalamka in ay arrintaas ka shaqeeyaan.

“Ra’isul wasaare Cimran Khan waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in bulshada caalamka baaqi ku ahaato xiriirka Afghanistan,”  ayuu ku yiri bayaanka.

Khan waxaa uu sidoo kale ku baaqay in gargaar deg deg ah oo bani aadanimo loo diro Afghanistan si looga baaqsado dhaqaale burbur ku yimaadda dalkaas.

isniintii, qaaraan bixiyaasha caalamka waxay ku yabooheen in ka badan hal bilyan oo doolar oo wax looga qaban doono gaajada iyo saboolnimada ka jirta dalkaas ka dib la wareeegitaanka Taliban.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in ka badan 14 milyan oo reer Afghanistan ahi qarka u saaran yihiin macluul haddii aan si deg deg ah looga jawaabin.

Kaydka Federalka ee Maraykanka, Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka, ayaa iyagana sii waday xayiraadda ay ku hayaan hantida Afgaanistaan, tallaabadan ayaa la qaaday kadib markii Taliban ay awoodda kala wareegtay dowladda Afgaanistaan ​​ee la doortay.

Previous Post

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo xafiis ka furey Dhuusamareeb +Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddodomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddodomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddodomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In