Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taala Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay rag qaraxyo ka fulin rabay gobolka Kansas

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taala Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay rag qaraxyo ka fulin rabay gobolka Kansas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad ku taalla Dalka Meryakanka ayaa dambi kusoo oogtay Saddex nin  oo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen inay weerar ka geystaan dhismo  ay muhaajiriin Soomaali ah ka degan yihiin gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.

Saddexdaan Nin ayaa la aamisan yahay in sababta ay weerarka u geysanayeen ay tahay naceyb iyo midib takoor ka dhan ah Muslimiinta iyo Mujaajiriinta soo galaya Dalka Mareykanka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Baaritaan ay sameeyeen hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee FPA oo qaatay muddo sideed bilood ayaa lagu ogaaday shirqoolka ay damacsanaayeen raggaan, sida ay sheegtay Xeerilaalinta Maxkamada.

Warka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaashaaan ay diyaariyeen saddex gaari oo ay ka buuxaan qaraxyo kuwa sida ba’an wax u gumaada si ay burburiyaan dhismaha ay degan yihiin Qoysas Soomaali ah  iyo goob ay ku cibaadeystaan.

Curtis Wayne Allen, oo 49 jir, Patrick Eugene Stein, 47; jir ah  iyo  Gavin Wayne Wright, 49 jir ah oo ah eedeysanayaasha ayaa haddii dambigaan lagu helo muteysan kara xabsi daa’in

Raggaan ayaa la aamisan yahay in weerarka ay damacsanaayeen in ay ku beegaan bisha November oo ay dhaceyso doorashada Dalka Mareykanka.

Eedeyntaan ayaa markii ay soo shaac baxday Jimcihii waxa ay walaac gelisay Soomaalida Dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa gobolka  Kansas, iyada oo ka baqdin qaba in weerarkaan uu dhiiragaliyo Kooxaha kale ee xagjirka ah.

Previous Post

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo soo dhaweysay xukun ay gaartay Maxkamadda sare ee Boqortooyada Ingiriiska

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In