Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan riday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 2, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukunka maanta ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa  lagu riday 9 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen  maleyshiyaad ka tirsan kooxda nabaddiidka ah ee Al-Shabaab iyo labo askari waxaana xukunku uu iskugu jiraa dil xabsi daa’in, xabsi sanado ah iyo sii daysmo .
Kaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida gaaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa  ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu ku riday ragaan lagu soo eedeeyay dambiyada kala duwan.

“Gacan ku dhiigle Axmed Aweys Xasan waxay ku xukuntay dil toogasho ah, dable Mahad Axmed oo maqane ah waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, Cabdi Ibraahim Maxamed waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah, Maxamed Maxamuud Xasan sidoo kale 10 sanno oo xabsi ciidan ah,  Ciise Maxamuud Cali Jimcaale waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah, Cabdisalaan Axmed Tifow  4.sanno oo xabsi ciidan ah, Cabdi Salal Maxamed Miidaan 4 sanno oo xabsi ciidan ah, Sheikh Cali Cismaan Shannin 4 sanno oo xabsi ciidan ah. wabilaahi towfiiq”

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Qareenka u doodaya 4 ka mid ah ragaan maanta maxkamada darajada koowaad ee  ciidanka qalabka sida ay xukuntay  Xasan C/lle Farayare ayaa isagu sheegay in xukunkaas uu racfaan ka qaadanayo oo uu ugudbi
doono maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida

“Anigoo ah garyaqaankii daafacayay nimanka afarta ah ee loo haystay dilkii sarkuus ka dhacay horana Maxkamada waan ugu sheegay in ragaasi aysan ahayn ragii galay dambigaas,  waxaan idiin cadaynayaa in aan maxkamadda sarre isla aadeyno, anigoo dacwadeyda u soo bandhigaya si sharciga waafaqsan” ayuu yiri Xasan.

Previous Post

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Next Post

Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Next Post
Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In