Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (RadioMuqdisho): Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa  guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  bartimihii December iyo dabayaaqadii January.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan  jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada  tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

Edited:- Abdulkadir Isse

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Faaqidaadda warark khamiis 19. 3. 2020

Next Post

Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Next Post
Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In