Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho- Saldhiga degmada Dharkenley  ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka  Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji  Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed  oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta  kuwaasi  oo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley  oo   sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymaha  kiiska.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane,  waxaana sedax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno  caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo  fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen  kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka  hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Edited:- Abdulkadir Isse

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Amniga oo Maanta furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Next Post
Wasiirka Amniga oo Maanta furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Wasiirka Amniga oo Maanta furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In