Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa Maanta dil ku xukuntay Dable, Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum, Cabdi Muxumed oo ahaa Qof shacab ah.
Maxkamadda ayaa sido kale Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku ridday eedaysane, Maxamed Rashiid oo isna katirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Bashiiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in eedeysanayasha ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degaanka Cabdalla Biroole dambiga lagu soo eedeyay ay galeen, islamarkaana Maxkamaddu ay ku xukuntay dil iyo xabsi Ciidan.