Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Yuusuf Isaaq Nuur iyo Aadan Maxamed Xasan, kadib markii ay dilal ka geysteen degaanada Koonfur Galbeed.
Ex, Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan, ayaa loo toogtay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan, kaas oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.
Dhinaca kale Ex. dable Boolis, Aadan Maxamed Xasan Ibraahim oo loo yaqaanay (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Axmed oo ahaa wayeel 65 jira ah, kaasi uu markii dilka loo geysanayay isku dayay in uu Aadan ka waaniyo isbaaro u taalay mid ka mid ah Xaafadaha magaalada Baydhabo.