Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo amartay maleeshiyaadka hubeysan ee Beledweyne ay hubka soo wareejiyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadayso ciddii lagu helaa inay ka qeyb qaadatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa tilmaamay in maxkamadda ay sameyneyso baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan in ciidanka dowladda ay ku luglahaayeen dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan tan Beledweyne.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

“Horey waxaa jirtay dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, oo ciidanka dowladda lagu eedeeyay inay qeyb ku lahaayeen, balse baaritaannoo dheer kadib waxaa inoo soo baxday in arrintaasi aysan wax ka jirin, waxaan rabaa in aan markale ku celiyo haddii ay jirto ciidan xitaa si af ah uga qeyb qaatay dagaal beeleedyada in maxkamadda ciidanka qalabka sida ay tallaaabo ka qaadayso”.ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa ugu baaqay dhallinyarada hubeysan ee aan ciidanka dowladda ka tirsaneyn ee ku sugan Beledweyne inay hubka soo wareejiyaan, isagoo ka digay in ciddi fulin weysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan rabnaa in aan fariin u dirno kooxaha maleeshiyaadka hubeysan ah ee aan ciidanka ka tirsaneyn, isla markaana hubkooda shacabka ku dhibaateynaya in maxkamadda tallaabo cad ka qaadi doonto, waxaana la rabaa inay iska soo diiwaan geliyaan xarunta Maxkamadda oo ay hubka soo wareejiyaan, ayna fuliyaan awaamiirtii ka soo baxday maamulka gobolka oo ahayd inay soo xaroodaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda.

Previous Post

Ganacsatada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In