Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq+ Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa marka ay taariikhdu aheyd 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haysto eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqan.

Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur, waxayna Maxkamddu intaa kadib guda gashay dhagaysiga dacwadda loo heysta eedaysanayaasha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa u akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista ee soo socata inta ka harsan.

Previous Post

Wasiirka waxbarashada XFS oo kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Daawo+Sawirro” Wariyaal Tababar kaga Furmay Magaalada Gaalkacyo”

Next Post
Daawo+Sawirro” Wariyaal Tababar kaga Furmay Magaalada Gaalkacyo”

Daawo+Sawirro" Wariyaal Tababar kaga Furmay Magaalada Gaalkacyo"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In