Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Marxuum Hindiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Marxuum Hindiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax.

Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ee dalka ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysanayaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamee Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, kuwaasi oo maxkamadda darajada koowaad ay xukunno kala duwan ku riday 25-kii February, isla markaana xukunkaasi ka qaatay racfaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

C/risaaq Maxamed Barow oo ahaa shaqsigii gaariga Marxuumad Hindiyo ku xiray miinada iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo gacan ka geystay Dilka Marxuumadda ayaa Maxkamadda sare waxay labadooduba ku xukuntay dil toogasho sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida Liibaan Cali Yarrow oo tilmaamay in la laalay xukunkii hore ee Maxkamadda darajada Koowaad.

Maxkamadda Sare ayaa xukuntay Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere ,waxaana ay ku Xukuntay Xabsi Daa’im, taasi oo ay Maxkamadda sare ku raacday xukunkii hore ee ay ridday Maxkamadda darajada Koowaad oo ahayd xabsi daa’in.

Sidoo kale eedeeysane Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayaa lagu Xukumay 15 Sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale ay Maxkamadda Sare ku Xukuntay 10 sano oo Xabis Ciisdan ah.

Sadexda bishii 12 ee sanadkii 2015 ka ayaa koox ka tirsan Al-shabab waxaa ay magaalada Muqdisho ku dileen Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka, waxaana 25ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukunno kala duwan ku riday raggii falka dilka ah ka dambeeyay, kuwaasi oo maanta markale ay xukunno ku diray Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska ee Danab oo tababbar loo soo xiray “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In