Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo sheegay inay si habsami ah u socdaan doorashooyinka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Midowga Afrika oo sheegay inay si habsami ah u socdaan doorashooyinka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay inaysan rabshadaha Al-Shabaab u hakan doonin doorashooyinka Soomaaliya oo ay sidii la doonayayna u dhici doonaan.

Danjiraha ayaa tilmaamay inay dhici karto arbushaado yaryar iyo ugaarsi ay ku sameeyaan qaar ka mid ah Ergada, balse aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin Al-Shabaab habsami u socodka hawlaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ergeyga ayaa intaa raaciyay inay xil wayn iska saareen sugidda ammaanka goobaha ay codbixintu ka dhacayso iyagoo kaashana Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya,kuwaasoo qaybo badan oo ka mid ah haatanba loo carbiyay ka qayb qaadashada ilaalinta doorashooyinka dadban.

Dhinaca kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay inay Amisom waddo qorshihii ay 2018-ka kaga bixi lahayd guud ahaan Dalka Soomaaliya, haatanna ay diyaarinayaan Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed ee iyaga howsha kala wareegi lahaa.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa horay u soo tababaray 10.900 oo Askar  Soomaaliyeed ah kuwaasoo la doonayo in tiradooda la gaarsiiyo 20,000, si ay u hantaan dhammaan ammaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa horay u sheegay inay carqaladayn doonaan doorashooyinka dhowaan lagu wado inay Dalka ka qabsoomaan.

Previous Post

RW Ku-xigeenka dalka oo Shir-guddoomiyay shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Next Post
Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Wadamada Islaamka oo si wadajir ah u cambaareeyey Xuutiyiinta Yemen

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In