Saturday, December 9, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Midowga Yurub oo howl-gal la mid ah midka Burcadbadeedda Soomaalida u adeegsanaya Tahriibeyaasha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 22, 2015
in Wararka Raadiyahaa
0
Midowga Yurub oo howl-gal la mid ah midka Burcadbadeedda Soomaalida u adeegsanaya Tahriibeyaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guusha ay ciidammada badda ee Midowga Yurub ka gaareen howl-galka la dagaallanka burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya, ayaa muujinaysa in howlgal la mid ah looga hortagi karo muhaajiriinta ku qulquleysa qaaradda Yurub ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka sida ay sheegeyso  Roberta Metsola oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub.

“Waxaan isbarbardhig ku sameynayay labada xaaladood inta lagu jiray shirka baarlamaanka Yurub bilihii la soo dhaafay. Howl-galka Atlanta wuxuu wiiqay burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya, sidaa darteed maxaysan Midowga Yurub ugu isticmaali Karin isla ciidanka si ay uga hortagaan tahriibinta dadka ee badda Mediterranean-ka” ayay BBC u sheegtay Metsola .

Related posts

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 12, 2022
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 10, 2022

Ku dhawaad kun qof oo tahriibayaal ah ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga labadii bil ee la soo dhaafay, maalintii isniinta Wasiirada arrimaha dibadda ee midowga Yurub ayaa isku raacay toban qodob oo qorshe-howleed ah, taas oo si degdeg ah uga hortagaysa dadka tirada badan ee muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya kuna dhammaanaya badda.

Qorshahan ayaa xoojinaya howlgalka raadinta iyo badbaadinta dadka, kor u qaadidda dhaqaalaha lagu bixinayo Frontex oo ah howl-gal la socda xudduudaha oo ay Midowga Yurub leeyihiin iyo sameynta olole lagu burburinayo doomayaha tahriibeyaasha.
Midowga Yurub ayaa abaabulaya shir gaar ah oo looga doodayo jawaab ay ku mideysan yihiin Yurub oo ku saabsan xaaladda muhaajiriinta soo gaaraya qaaradda. Shirkaas ayaa dhici doonta maalinta khamiista ah.

“Waxaan rajaynayaa in Ra’iiwul-wasaarayaasha Midwga Yurub ay ka soo qeyb gali doonaan shirka khamiista isla markaana ay qorsheyaasha u beddeli doonaan ficil siyaasadeed” ayay tiri. Roberta Metsola oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub.

Tahriibeyaasha ku dhammaanaya badda u dhaxeysa Yurub iyo Afrika ayaa u badan dadka ka soo jeeda qaaradaha Afrika iyo Asia, waxaa ku jira Soomaali badan oo ka tahriiba xebaha dalka Liibiya. Boqollaal ka mid ah ayaa ku dhammaada badda halka qaar kale ay badbadiyaan ciidamada baddu.

Previous Post

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Hiiraan

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo  Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Shir Caalami ah uga qayb galaya Jabuuti- SAWIRRO

Maraykanka oo horistaagay xabbad-joojin laga sameeyo Gaza

Maraykanka oo horistaagay xabbad-joojin laga sameeyo Gaza

December 9, 2023
0

Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ku horistaagay xabbad-joojin laga hirgaliyo dhulka Gaza,taas oo uu soo jeediya Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

December 9, 2023
0

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka...

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

December 9, 2023
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xalay deegaanada kala ah Farag...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

December 9, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In