Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub oo ku baaqay in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Midowga Yurub oo ku baaqay in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida lagu sheegay War_ saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Ururka Midowga Yurub,ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Liibiya in ay so af jaraan howlgallada Millateri  ayna dhiirigeliyaan wada hadallada nabadda ee dalkaas.

Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxa siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell iyo wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

War_saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Liibiya in ay kala baxaan dalkaas.

Dowladda Masar ayaa isniintii ku baaqday xabbad joojin dhammaan dhinacyada isku haya dalka Liibiya, waxaana ay ballan qaaday in ay qaban doonto shir weyne nabadeed oo lagu xallinayo mushkiladaha dalka Liibiya.

Si kastaba qoraalka Midowga Yurub ayaa lagu qeexay axdiga Qaahiro in uu dhiirigelinayo joojinta dagaalka dibna u billaabayo wadahadallo lagu gaarayo xabbad joojin qeyb ka ah hannaankii Baarliin.

Sannadki lasoo dhaafay shirar waa weyn ayaa lagu qabtay caasimadda dalka Jarmalka si loo gaba gabeeyo dagaalka Liibiya waxaana ka qeyb galay Waddamada Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Tags: Midowga Yurub oo ku baaqay xabbad joojin iyo in laga saaro ciidamada ajaanibta ee ku sugan Liibiya
Previous Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo la wareegtay Maleeshiyo beeleedyo iyo Gaadiid dagaal si loo  Qarameeyo+SAWIRRO

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In