Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Midowga Yurub oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub oo Lagula Soconayo Cunaqabataynta Hubka ee Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka ku midaysan midowga Yurub ayaa si rasmi ugu dhawaaqay inay bilaabayaan hawlgal cusub oo lagula soconayo cunaqabataynta hubka ee saaraan dalka colaaduhu ka aloosan yihiin ee Liibiya, iyagoo sheegay in Toddoba diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo Toddoba markab oo ku dagaalka ah ay u qorsheeyeen in hawlgalkaas loo xilsaaro kuwaas oo si toos ah u daba geli doona cirka iyo badda si loo xakameeyo hubka sharci darada ah ee ku qulqulaya dalka Liibiya maadaama dalkaasi ay saran tahay sharciyada cunaqabataynta hubka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo beryihii u danbeeyey shirar uga furmeen dalka Jarmalka ayaa arrinatan ku tilmaamay mid lagu caddaynayo  mowqifka iyo dhex-dhexaadnimada dalalka yurub eek u aadan xaaladda Liibiya oo dagaallo culus ka socdaan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Waxay sidoo kale sheegeen in tallaabadani ay ku timi kadib markii dhinacyada isku haya dalka Liibiya ay dhagaha ka furaysteen digniino badan oo loo jeediyay iyagoo si sharci darro ah hub u geliyay gudaha dalka Liibiya, arrintaas oo dalalka yurub iyo beesha caalamkaba u muujisay in ciidamada mucaaradka iyo kuwa Dawladda Liibiya ay jebiyeen sharciga cunaqabataynta hubka ee Liibiya oo ay Qaramada Midoobay kusoo rogtay dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga Luigi de Mayo ayaa sheegay in maraakiibta dagaal ee Talyaaniga oo ku sugan xeebaha dhanka bari ee Liibi ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalkan cusub ee midowga yurub isku raacay kaasoo ay kula socon doonaan ilaalinta iyo la socodka cuna qabataynta hubka ee Liibiya, sidoo kale dalalka Jarmalka iyo Austria ayaa sheegay inay iyaguna ansixyeen fulinta howgalkan cusub ayna ka qayb geli doonaan.

Bayaan ay asoo saareen dalalka Miwowga Yurub waxaa lagu sheegay in dalalka yurub ay ka go’antahay hirgelinta howlgalkan oo ah mid ka shaqayn doona cirka iyo badda iyadoo ay jiri doonaan haddii loo baahdo hawlgallo kale oo dhulka ah si loo xakameeyo hubka sharci darada ah ee ku qulqulaya dalka Liibiya.

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Next Post

Shirka dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Next Post
Shirka dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Shirka dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In