Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay “DAAWO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kulan deg deg ah oo aan caadi aheyn oo ay xarunta villa hargeysa ku yeesheen gudiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa waxaa ugu horeyn loogu tacisydeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxii aragagxisnimo ee kooxda Al-shabaab ka geysteen Magaaladda Muqdisho ,waxaana goluhu ay caafimaad deg deg ah alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxaasi.

kulanka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa loogu mahad celiyay dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay Gurmadka dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay iyo sidoo kale dowladaha Djabouti iyo Turkiga oo iyagu qeyb weyn ka qaatay gurmadka dhibtana la qeybsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankooda ugu yeeray Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka Amniga oo ay su’aalo ka weydiiyeen qaraxii iyo sababtiisa.

Sidoo kale inta uu socday waxaa la isku raacay in lacag dhan halmilyan oo doolar laga jaro miisaaniyada Dowladda islamarkaana loogu gurmado dadka qaraxii dhacay ku waxyeeloobay,sida uu geba gebada ka dib uu warbaahinta Qaranka u sheegay Mudane Mahad C/lla Cawad oo ah gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waa kulankii koowaad ee aan caadi aheyn oo ay yeeshaan gudiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho uu ka dhacay Qarax sababay dhimashada dad ku dhaw 300 tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen ,iyadoo ay jiraan dad weli lagu la’yahay nolol ityo geeri intuba.

Previous Post

Taliyaha cusub ee CXD oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday” SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday” SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo “Waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday” SAWIRRO

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In