Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026

In la diyaariyo miisaaniyad ,isla markaana la cadeeyo qorshayaasha ku talagal ee lagu saleeyay lacagahaasi waa qaabka lagu yaqaan nidaam dowladnimo ee ku dhisan dimoqraadiyadda asalka ah ee ka muuqda matalaadda shacabka.

Waa wax jira  in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo soo bandhigidda barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah waxqabadka dowladnimo,gaar ahaan  dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya arimaha dowladahaasi.

Inkatoo dowladda  Soomaaliya ay ka soo kabaneyso  dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo  ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la socdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho hanti umadeed.

Xubnaha Golaha baarlamaanka oo ah sharci dajiyaal ay wakisheen umadda Soomaaliyeed ayaa haatan looga fadhiyaa in ay ansixiyaan meel marinta miisaaniyadda cusub ee sanadka 2018-ka,taas oo cadadkeeda lagu sheegay 274-miyan oo doolar,isla markaana dowladda u fududeyn doonta in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka jira.

Xubnaha Golaha Baarlamaanka oo ay horyaalaan akhrin iyo ka doodidda miisaaniyadda dalka,ayaa la filayaa in ay howlohooda u gutaan si daacadnimo ah,kadib kolkii Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo dhameystiray barnaamijkii dhaqaale ee ay ku howlgalayeen xukuumadda ,gaar ahaan sanadka soo socda.

Tallaabadaan la xiriirta kordhinta miisaaniyadda ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay shaaca ka qaadeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.

Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan lagu daray lacago badan oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha bulshada,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka,iyadoo sidoo kale lagu xisaabtamayo dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya.

Waxaa dhab ah in ay jiraan farqi u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan maanta ee loo gudiyay golaha baarlamaanka  ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysay  fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay

Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen  dalalka Afrika qaarkood.

Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo guud ahaan qaadista canshuuraha dalka oo haatan u muuqda kuwo u socda si gaabis ah.

Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa lagu wadaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono  mushaarooyinka shaqaalaha iyo kan ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn  in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda,sidaa daraadeed waxaa haboon in xukuumada  lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,taas oo  dhiirigelin karta isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu  ay helaan  ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

Next Post

21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Next Post
21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,...

Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada gudoonka Guddiga ee ay maanta Sameeyeen xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay...

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa ka qeyb galay kulan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In