In la diyaariyo miisaaniyad ,isla markaana la cadeeyo qorshayaasha ku talagal ee lagu saleeyay lacagahaasi waa qaabka lagu yaqaan nidaam dowladnimo ee ku dhisan dimoqraadiyadda asalka ah ee ka muuqda matalaadda shacabka.
Waa wax jira in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo soo bandhigidda barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah waxqabadka dowladnimo,gaar ahaan dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya arimaha dowladahaasi.
Inkatoo dowladda Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la socdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho hanti umadeed.
Xubnaha Golaha baarlamaanka oo ah sharci dajiyaal ay wakisheen umadda Soomaaliyeed ayaa haatan looga fadhiyaa in ay ansixiyaan meel marinta miisaaniyadda cusub ee sanadka 2018-ka,taas oo cadadkeeda lagu sheegay 274-miyan oo doolar,isla markaana dowladda u fududeyn doonta in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka jira.
Xubnaha Golaha Baarlamaanka oo ay horyaalaan akhrin iyo ka doodidda miisaaniyadda dalka,ayaa la filayaa in ay howlohooda u gutaan si daacadnimo ah,kadib kolkii Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo dhameystiray barnaamijkii dhaqaale ee ay ku howlgalayeen xukuumadda ,gaar ahaan sanadka soo socda.
Tallaabadaan la xiriirta kordhinta miisaaniyadda ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay shaaca ka qaadeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.
Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan lagu daray lacago badan oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha bulshada,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka,iyadoo sidoo kale lagu xisaabtamayo dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya.
Waxaa dhab ah in ay jiraan farqi u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan maanta ee loo gudiyay golaha baarlamaanka ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysay fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay
Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen dalalka Afrika qaarkood.
Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo guud ahaan qaadista canshuuraha dalka oo haatan u muuqda kuwo u socda si gaabis ah.
Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa lagu wadaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono mushaarooyinka shaqaalaha iyo kan ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.
Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda,sidaa daraadeed waxaa haboon in xukuumada lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,taas oo dhiirigelin karta isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu ay helaan ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay
W/Qoray Shire Xasan Kulmiye