Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen  60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Milateriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay dileen illaa 60 dagaalyahano ka tirsan Kooxda Boko Haram, kadib markii howl gal ay ka fuliyeen waqooyiga bari dalkaas.

Howl galka ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay diyaarado dagaal oo ciidamada cirka Nigeria ay ku taageerayaan kuwa dhulka ee howl galka ka waday deegaanada howdka.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Afhayeenka Milateriga Nigeria Col. Sani Usman ayaa sheegay in howl galkan lagu soo bad baadiyay illaa 120 ruux afduub loo heystay, halka labo qof kale la soo qabtay.

Col. Sani Usman ayaa sheegay in dadka la soo bad baadiyay ay ku jirtay haweeney umushay daqiiqado ka hor in aan la soo samata bixin.

Waxaa uu sheegay inay howl gal ka dhan ah Boko Haram ka wadaan meelaha ay ku dhuuntaan ee ku dhow tuulooyinka waqooyi bari Nigeria.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay, hub, saanad, gaadiid iyo qalab ay isticmaalayeen Kooxda Boko Haram.

Kooxda Boko Haram ayaa ku xoogan waqooyi bari Nigeria, halkaasoo ay weerar dad badan ku dhinteen ka geysteen, waxaana ay afduubteen boqolaal ruux.

Previous Post

Taliska booliiska gobolka Baay oo uga digay bulshada Baydhabo iney guryahooda ka kireeyaan Shabaab

Next Post

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba “Dhageyso”

Next Post
Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba “Dhageyso”

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba "Dhageyso"

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In