Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Militriga Ethiopia oo loo geeyay gobolka rabshadaha ka socdaan ee Benishangul-Gumuz

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Militriga Ethiopia oo loo geeyay gobolka rabshadaha ka socdaan ee Benishangul-Gumuz
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa khamiistan maanta ah sheegay in ciidanka dowladda la geeyay gobolka galbeedka dalka ee Benishangul-Gumuz, maalin ka dib markii kooxo hubeysan gobolka ku dileen in ka badan 100, degaanka waxaa ka dhacayay rabshado ku saleysan qowmiyadaha.

Arbacadii guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ayaa sheegay in 100 lagu dilay weerar xilli aroor ah lagu qaaday tuulada Bekoji oo ka tirsan ismamulka Bulen ee aaga Metekel waana halka inta badan ka dhacaan rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha.

Related posts

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

April 8, 2026
Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026

“Xasuuqa ka dhacay Benishangul-Gumuz waa mid aad looga naxo”, ayuu Twitter soo dhigay ra’iisul wasaaraha, isagoo intaas ku daray in si loo xaliyo dhibaatada  waxaa lagama maarmaan noqotay in aan ciidan u dirno degaanka.

Goobjoogiyaal ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay arkeen daraasiin dad ah oo la dilay kuwaas laayay maleeshiyo heyntooda la aqoonin.

Sidoo kale, dowladda Ethiopia ayaa xirtay shan kamid ah saraakiisha sare ee gobolka Benishangul kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen rabshadaha lagu laayay 100 qof.

Dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan ayaa la hardamaya xakameynta dagaalada ku saleysan isirka tan iyo 2018 markii xafiiska yimid Dr. Abiy wuxuu isku dayay in uu dhaqaajiyo isbedelo dimoqraadiyadeed, mid dhaqaale si uu u mideeyo dowlad goboleedyada xafiiltanka ka dhexeeyo.

Affartii bishii hore, ciidanka xukuumadda federaalka ayaa howlgal ka bilaabay gobolka waqooyi Ethiopia ee Tigree, ka dib markii kooxda TPLF oo maamusha gobolka lagu eedeeyay in ay diideen siyaasadda dowladda dhexe.

Dagaalkaas oo lix todobaad socday waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo 950,000 oo qof ay ka barakaceen degaanadooda.

Tallaadadii ra’iisul wasaare Abiy iyo saraakiil sar sare ayaa booqday degaanka si ay isugu dayaan in xiisadda la qaboojiyo ka dib dhacdooyin is xig xigey oo degaanka ka dhacay sida kii u dambeeyay ee 14 November oo lagu dilay 34 ruux oo bus lagala dagay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne ku dib dhigay Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray goob laga hirgelinayo xarunta gurmadka degdeg ah “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray goob laga hirgelinayo xarunta gurmadka degdeg ah “SAWIRRO”

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray goob laga hirgelinayo xarunta gurmadka degdeg ah “SAWIRRO”

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

April 8, 2026
0

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund – NCF) ayaa si rasmi ah u daah-furay tababarka Green Climate...

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In