Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mowqifka DFS ee ku aadan Doorashooyinkii Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
M/Jubbaland oo  qabtay Kooxo Shacabka canshuur uga qaata waraaqo been abuur ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;

DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;

DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan;

1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland.
2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD

14ka Jun, 2020
Muqdisho-Soomaaliya

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Jabuuti.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In