Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mu’assasada SAFA oo ku baaqday in laga qeyb qaato fidinta diinta Islaamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Mu’assasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta, kaasi oo looga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay mu’assasada.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo mashaa’iq kale waxaana shirkaasi ujeeddadiisu ahayd dhismaha Maamul cusub oo ay Mu’assasadu yeelato, kor u qaadista iyo dar dargelinta dacwada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Guddoomiyihii hore ee Mu’assasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta Sheekh Abuubakar oo maanta xilkiisa ku wareejinayay Guddoomiyaha cusub Sheekh Maxamed Muuse Maxamed ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen intii uu xilka hayay.

Sheekh Maxamed Muuse Maxamed Guddoomiyaha cusub ee Mu’asssasada SAFA oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa ku baaqay in dhamaan Ummadda Soomaaliyeed uu xasuusinayo Madax iyo shacabba in ay xil iska saaraan dacwada Islaamka, faafinta aqoonta diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bahiir Axmed Salaad oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Mu’assasada SAFA in ay sii xoojiyaan dacwada Diinta Islaamka, dadkana ay ku dhiirigeliyaan qabsashada xarigga Alle.

Wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan howlaha ay mu’assada hayso, isagoo intaa ku daray in mu’assasada ay  Wasaaraddu aqoonsi rasmi ah ka haysato.

 

 

Previous Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Xuska maalinta Naafada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Xuska maalinta Naafada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In