Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mu’assasada SAFA oo ku baaqday in laga qeyb qaato fidinta diinta Islaamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Mu’assasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta, kaasi oo looga hadlayay waxyaabihii u qabsoomay mu’assasada.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo mashaa’iq kale waxaana shirkaasi ujeeddadiisu ahayd dhismaha Maamul cusub oo ay Mu’assasadu yeelato, kor u qaadista iyo dar dargelinta dacwada.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Guddoomiyihii hore ee Mu’assasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta Sheekh Abuubakar oo maanta xilkiisa ku wareejinayay Guddoomiyaha cusub Sheekh Maxamed Muuse Maxamed ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen intii uu xilka hayay.

Sheekh Maxamed Muuse Maxamed Guddoomiyaha cusub ee Mu’asssasada SAFA oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa ku baaqay in dhamaan Ummadda Soomaaliyeed uu xasuusinayo Madax iyo shacabba in ay xil iska saaraan dacwada Islaamka, faafinta aqoonta diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bahiir Axmed Salaad oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Mu’assasada SAFA in ay sii xoojiyaan dacwada Diinta Islaamka, dadkana ay ku dhiirigeliyaan qabsashada xarigga Alle.

Wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan howlaha ay mu’assada hayso, isagoo intaa ku daray in mu’assasada ay  Wasaaraddu aqoonsi rasmi ah ka haysato.

 

 

Previous Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Xuska maalinta Naafada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Xuska maalinta Naafada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho (DAAWO MUUQAAL)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In