Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaal ka tirsan Congres-ka Mareykanka Oo taageeray hindise Taageero Dhaqaale lagu siinayo Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 26, 2015
in Wararka
0
Mudanayaal ka tirsan Congres-ka Mareykanka Oo  taageeray hindise Taageero Dhaqaale lagu siinayo Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa waxaa uu aqalka Congres-ka ee Dalka Mareykanka u gudbiyay codsi ah in ay taageeraan oo ay meel mariyaan Dhaqaale Malaayiin dolar ah oo Dowladaasi ay ku taageerto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

11 mudane oo ka tirsan aqalka Congres-ka ayaa taageeray codsiga Madaxweynaha Dowladda Mareykanka, iyagoo warqad u qoray shir guddoonka aqalka oo ay ka codsadeen in la taageero codsiga Madaxweyne Obama, islamarkaana Soomaaliya taageero dhaqaale lala garab istaago.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

“Waxaan si deg deg ah oo xoogan u taageereynaa codsiga Madaxweynaha Mareykanka Mr Obama ee ku aadan in Soomaaliya lagu taageero aduun lacageeed oo gaaraya 87.7 Million dolar, Lacagtaasi oo qeyb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha Dalka Soomaaliya iyo ammaanka Wadanka Soomaaliya oo ay la dageen xasilooni daro siyaasadeed iyo kooxo Argagaxiso ah, waxaa nalooga baahan yahay in aan si buuxda u taageerno, Dowladda Mareykankuna qaadato doorkeeda caawimaada ah inagoo ka faa,ideysaneyna Waqtiga”ayaa lagu yiri warqada ay u qoreen Shir guddoonka Xubnahani.

Mudanayaasha ayaa waxa ay intaa raaciyeen in Dalka Soomaaliya Bilihii ugu Dambeeyay uu u muuqanayo mid ka soo hagaagay xaaladii adkeeed ee uu dhowr iyo labaatanka sano ku soo jiray Aqalka Congres-ka ayayna u soo jeediyeeen in codsiga Madaxweynaha Muhiimad weyn la siiyo oo Soomaaliya la garab istaago.

“Wadankaasi dhaca geeska Afrika ee Soomaaliya waxa uu u baahan yahay Caawimaad balaaran Hay’adaha Dowliga ma ahan kuwo awood leh laakiin hadda ayay soo kabanayaan waxaa naga go’an in aan si dhab ah u taageerno Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladood sanadkii 2014-ka 21.6 Million oo dolar ayaan siinay Dowladda Cusub Ee Soomaaliya si ay iskugu balaariso dalka oo dhan “ayaa lagu yiri qoraalkan.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Habeenkii Labaad Ku Hoyday Dhuusa Mareeb Welina Kulama La Leh Waxgaradka Gobolada Dhex

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sii wada kulamada uu la qaadanayo bulshada ku dhaqan Gobolada dhexe{SAWIRRO}

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Habeenkii Labaad Ku Hoyday Dhuusa Mareeb Welina Kulama La Leh Waxgaradka Gobolada Dhex

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In