Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaallya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 25-aad, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guntanka kulanka ayaa ku furmay 142-Xildhibaan, waxaana Ajendaha kulanka uu ahaa Akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisey wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, kaasoo uu gacanta ku hayey guddiga horrumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana guddiga oo mudanayaasha golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada uu Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026

Intaasi kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Daawada ayaa waxaa ogolaatay 141-Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa Xildhibaannada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Daawada, waxayna sheegeen ansixintiisa ay kusoo aaday xili ay baahi weyn u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada , waxaana Xildhibaannada ay ka doodeen qodobada Axdigan iyo sidoo kale dhibaatada ay Tubaakada ku heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, sidoo kalena ay muhiim tahay in siyaasad mideysan laga yeesho ka hortageeda.

Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandigga XFS Oo War Kasoo Saartay Hawlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Dalka Ka Dhacay

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra’iil

Wasiiro iyo Xildhibaanno si adag uga horyimid xadgudubka Isra'iil

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah...

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
0

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In