Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Golaha shacabka oo Akhrinti labaad mariyay Miisaaniyada Dowladda ee 2018

caqiil by caqiil
December 11, 2017
in Wararka
0
Mudanayaasha Golaha shacabka oo Akhrinti labaad mariyay Miisaaniyada Dowladda ee 2018
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka mudanayaasha golaha shacabka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxaa ugu horeyn golaha uu ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaaladda jerusalem ugu aqoonsaday caasimada Isra’iil ,waxaana gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in go’aanka dowalda mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabada ee mareykanka uu ka waday Palestine iyo Isra’iil  iyo guud ahaan amaanka Gobolka ,isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar  kasoo saari doono

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad c/lla Cawad ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahanyahay in gudiga arimaha dibada arimahaasi kala shaqeeyaan

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Intaasi ka dib gudiga maaliyada ee golaha shacabka ayaa golaha ka hor aqriyay warbixinta gudiga ee odoroska miisaaniyada qaranka ee sanadka 2018-ka waxaana golaha ka hor akhriyay Gudoomiye Kuxigeenka gudiga Miisaaniyada ee Golaha shacabka,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Prof  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow.

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka aragtidooda ka dhiibtay warbixinta gudiga iyo wasaaradda maaliyada ee miisaaniyada 2018-ka

Gudoomiyaha  golaha shacabka mudane maxamed sheekh cusmaan jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay gudiga arimaha dibada looga baahanyahay in qaraarka ay si deg deg ah usoo diyaariyaan,gudiga dastuurka ee golaha shacabkana uu warbixintiisa  golaha hor keeno ,waxaana gudoomiyaha uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka lagula xisaabtami doono howlaha ay shacabka u hayaan

Previous Post

kulan looga hadlayay Amaanka Gobalka shabeellaha dhexe oo ka dhacay Degaanka Dacaar

Next Post

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Next Post
Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In