RADIO MUQDISHO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey laba xubnood oo buuxinaya boosaskii ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Codbixinta oo ka dhacday Golaha ayaa waxaa oggolaaday 124 Xildhibaan, halka 21 Xildhibaan ay diideen, laba Xildhibaanna ay ka aamuseen ansixinta xubnaha cusub.
Labada xubnood ayaa sidaas ku noqonaya xubno ka tirsan Guddiga, iyagoo ka qayb qaadanaya howlaha dib-u-eegista, dhamaystirka iyo hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya










